Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Sawiro : Ri' ilmo ku qaloocdeen oo qalliin lagu sameeyay


Adeegyada caafimaadka ee laga heli karo dalka Soomaaliya aad ayay u yaryihiin, manaba kusii jiraan xoolaha nool oo inta badan u dhinta daryeel la'aan caafimaad iyo xanuunada faafa.
Balse ri' ku nool magaalada Muqdisho ayaa nasiib u heshay in lagu sameeyo qalliin dhif iyo naadir ah, taas oo lagu kala badbaadiyay nafteeda iyo labo ilmo oo ay caloosha ku sidday.
Sida uu BBC-da u sheegay Dr Cabdiraxmaan Barre Dubbad oo ku taqasusay cudurada xoolaha, neefkan ariga ah ayaa ku sugnaa xero lagu magacaabo Somali Bovin Genetics oo lagu bac-rimiyo xoolaha, kadibna waxaa dhacday in muddo 8 saacadood uu fool ahaa neefka, ilmihiina ka iman waayeen.

Wixii ka badan 2 saacadood oo fool ah, markaas dhib ayaa jira, markii aan imidna waxaan ogaaday in ilmuhu ku qaloocdeen, kadib waxaan go'aan ku gaaray in aan qalliin sameeyo" ayuu yiri dhaqtarka oo sidoo kale la shaqeeya xeradan xoolaha lagu naaxiyo.
Dr Dubbad waxa uu sheegay in qalliinka ka hor ay ri'da siiyeen dawada dajisada loo yaqaano oo neefka ka celisa in uu rafasho sameeyo, kadibna bartii laga qali lagaa ayaa lagu durey irbadda kabuubisada.

"Qalliinka kadib waxaa siinay dawooyin kala duwan oo isugu jira xanuun baabiyeyaal iyo qalajisooyin, kuwaas oo soconaya muddo 3 maalmood ah, kadibna xariggii tolmada ayaan ka fureynaa, neefkana sidaas ayuu ku reysan" ayuu yiri dhaqtarka.
Ri'dii waxa ay dhashay labo ilmo oo midya yahay orgi, midna waxar, kuwaas oo caafimaadkoodu heer sareeyo.

Caafimaadka Xoolaha

Dr Dubbad ayaa waxa uu sheegay in uu horey usoo sameeyay illaa 40 qalliin oo xoolo ah, kuwaas oo badankood ka dhacay magaalada Sheekh ee waqooyiga dalka.
"Dadka kuma baraarugsana in xanuunada haysta xoolahooda wax laga qaban karo, waxaanan tuhmayaa in xoolo badan ay daryeel la'aan ay u dhintaan, anaga ka dhaqaatiir ahaan waxaan wax ka qaban karnaa dhibaato kasta oo neefka soo food saarta, xitaa haddii uu jabo waan kabi karnaa" ayuu yiri dhaqtarka.
Ma jiro isbitaalo u gaar ah xoolaha, waxaana aad u yar daryeelka caafimaad ee xoolaha loo fidiyo marka laga reebo tallaal ay sameeyaan hay'adaha samofalka qaarkood.

Xigasho: BBC Somali


This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Sawiro : Ri' ilmo ku qaloocdeen oo qalliin lagu sameeyay

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×