Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay madaxweynaha maraykanka Donald Trump


Madaxweynaha jamhuuriyada fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xalay magaalada Riyaad ee caasimada Boqortooyada Sacuudiga kula kulmay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, sida ilo-wareedyo ka tirsan xafiiska madaxweynaha ay u sheegeen warbaahinta.

Kulanka labada mas’uul ayaa ahaa mid kooban, oo cidna aysan ku wehlin, wuxuuna ka dhinac dhacay shirka dalalka muslimiinta iyo Mareykanka ee ku qabsoomay Riyadh. 

 Sida laga soo xigtay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, waxaa kulanka intiisa badan xoogga lagu saaray arrimaha amniga Soomaaliya iyo la dagaalanka argagixisada.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa dhiggiisaSoomaaliya u ballan-qaaday in Mareykanka uu Soomaaliya ka caawin doono sidii ay uga adkaan lahayd kooxaha xagjirka ee carqaladda ka wada dalka Soomaliya.

Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale Farmaajo ka codsaday inay ku kulmaan Mareykanka, wuxuuna ballan-qaaday inuu casuumad rasmi ah usoo diri doono markauu ku noqdo Washington.


This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay madaxweynaha maraykanka Donald Trump

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×