Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

DEG DEG: Wagner oo ugu dambeyn joojiyey Duulaankii Moosko (Heshiis la gaaray)

 


Kooxda Calooshood-u-shaqaystayaasha Ruushka ee Wagner ah oo soo maray inta badan dariiqa Moscow ayaa ugu dambeyn oggolaaday inay dib u noqdaan si ay uga fogaadaan dhiig daata sida uu shaaciyey hoggaamiyahooda.

Arrintan ayaa ka dhigan  iney hoos u dhacday caqabad weyn oo soo wajahday Madaxweyne Vladimir Putin.

Dagaalyahanada ciidamada gaarka ah ee Wagner ayaa 200 km (125 mayl) u jira caasimadda ayuu Yiri Hogaamiyaha Kooxda, saaxiibkii hore ee Putin Yevgeny Prigozhin.

Kooxda ayaa qabsatay magaalada Rostov oo boqolaal mayl dhanka koonfureed ka xigta Moskow.

“Waxay rabeen inay burburiyaan shirkadii militariga ee Wagner, balse waxaan bilownay socod cadaalad ah 23-kii June, 24 saac gudahood waxaan gaarnay meel 200 km u jirta Moscow, waqtigan ma daadin hal dhibic oo dhiiga dagaalyahanadayada.” Ayuu Yiri Hogaamiyaha kooxda Prigozhin oo fariin cod ah ku baahiyey baraha bulshada.

Go’aanka lagu joojinayo dhaq-dhaqaaqa dheeraadka ah ee ka socda guud ahaan Ruushka ee kooxda Wagner ayaa waxaa ka shaqeeyay madaxweynaha Belarusia Alexander Lukashenko oo damaanadqaad buuxa u helay ammaanka kooxdan iyo hogaamiyahooda. Ma jiro wax war ah oo ku saabsan heshiiskan oo ka soo baxay Putin.

Prigozhin ayaa horey u sheegay in “socodka cadaaladda” ee ay ku dhaqaaqeen uu ujeedkiisu ahaa inuu meesha ka saaro musuqmaasuqa iyo taliyayaasha Ruushka oo uu ku eedeeyay inay ka dambeeyeen dagaalka Ukraine.

Khudbad saacado ka hor heshiiskan laga sii daayay telefishinka oo uu ka jeediyay aqalka Kremlin-ka ayuu Putin ku sheegay in jiritaanka Ruushka uu halis ku jiro.

“Waxaan u dagaalamaynaa nolosha iyo amniga dadkeena, si aan u helno madax-banaanideena iyo madaxbanaanidayada, xaqa aan u leenahay inaan sii ahaano Ruushka, oo ah dawlad leh taariikh kun sano ah,” Ayuu Yiri, isagoo wacad ku maray ciqaabta kuwa diyaariyey kacdoonka hubaysan. ”

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy ayaa sheegay in kacdoonka Wagner uu kashifay fowdo dhamaystiran oo ka jirta Ruushka.

“Maanta dunidu waxay arki kartaa in sayidyada Ruushka aysan waxba xukumin. Taas macnaheedu waa waxba. Kaliya fowdo dhammaystiran ayuu yiri Zelenskiy.



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

DEG DEG: Wagner oo ugu dambeyn joojiyey Duulaankii Moosko (Heshiis la gaaray)

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×