Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Beesha Caalamka oo u digtay M/weyne Biixi “kala bax ciidamadaada Laascaanood”

 

Beesha Caalamka ayaa uga digtay Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi in uu sii socdo duullaanka ciidamadiisu ku qaadeen xarunta gobalka Sool ee Laascaanood.

Bayaan kasoo baxay 15 kamid ah safiirada caalamiga ah oo kulamo la lahaa maalmihii lasoo dhaafay Madaxweyne Biixi iyo Isimadda SSC, ayaa ku baaqay joojinta dagaalka Laascaanood, in Muuse Biixi kala baxo ciidamada Somaliland magaalada.

Beesha Caalamka ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay taageerada fulinta ballanqaadyada labada dhinac, iyagoo ka digay Sii Socoshada Dagaalka iyo abuuris la,aanta jawi nabadeed oo lqgu wadahadli karo. Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay ka fiirsan doonaan Saaxiibada caalamiga ah taageerada ay siiyaan Somaliland haddii aan laga saarin ciidamada maamulkaas Laascaano.

Dhinaca kale, safiirada Beesha Caalamka ayaa ka hadlay qalalaasaha doorasho ee Somaliland iyo ku darsiga Muuse Biixi, xilli 13kii November, 2022 ay ku ekeyd mudadiisa xil heynta. Waxaana ay ka dalbadeen jadwaleynta rasmiga ah ee doorashada Madaxtooyada ayna ku wada qanacsan yihiin dhinacyada siyaasadda ee Somaliland.

Hoos ka Akhriso 4 qodob oo ah nuxurka War-saxaafadeedka Beesha Caalamka.

1- Wakiiladu waxay sheegeen in sii socoshada dagaalka Laascaanood oo galay Todobaadkii 10-aad ay ka dhalan doonto in ay Beesha Caalamka dib u eegayso dhammaan mashaariicaha iyo wada shaqeynta ay la leedahay Somaliland (Tani waa hanjabaad cad-bishii Feb ayay soo bilaabeen in ay hoos u sheegaan balse maanta waa banaan u soo saarid).

2- In labada dhinacba sheegaan nabad iyo wada hadal, balse aan fulin marnaba imaan loona baahan yahay in fulin laga wada hadlo lana abuuro jawi ciidamada looga saarayo aagaga oo dhan.

3- Doorashada Somaliland ayay sheegeen in laga doonayo Madaxweyne Biixi jadwalkeeda oo deg degsan iyo wadiiqo ay raali iskaga yihiin dhinacyada ay u dhaxeyso baratankan.

4- In ay ka xun yihiin ayay sheegeen nabad & wada hadal ku baaqida Mr, Biixi iyo diidmadiisa la xariirta in uusan ciidamadiisa kala baxaneynin magaaada Laascaanood.



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Beesha Caalamka oo u digtay M/weyne Biixi “kala bax ciidamadaada Laascaanood”

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×