Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Nin Dilay Caruur badan kana dhuuqa Dhiiga oo ka baxsaday Xabsi uu ku xirnaa



Xabsi kuyaala magaalada Nairobi ee caasimada Dalka Kenya waxaa ka baxsaday nin lagu eedeeyay in uu dil kufsi u geestay Caruur badan , waxaa sidoo kale ninkan lagu eedeeyay caruurta uu dilay in uu dhiiga ka dhuuqi jiray.

Masten Millimo Wanjala oo bishii july ee sanadkan xireen ciidamada booliiska Dalka Kenya Ayaa si lama filaan ah uga baxsaday xabsi ku dhax yaala saldhigga booliska Joogo Road ee ee magaalada Nairobi.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa ku warantay in baxsashada ninkan dad cunka ah cabsi badan galisay magaalada , lama oga ilaa hada cida fududeesay baxsashada ninkan beegsan jiray caruurta yar yar.

Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in ay socdaan howlgalo lagu baadi goobayo ninkan baxsadka ah, waxa ayna ddaka ku war galiyeen in ninkan ka fogaadaan una soo gudbiyaan xogta ninkan baxsadka ah hadii ay arkaan.

Sii Akhri Read More


This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Nin Dilay Caruur badan kana dhuuqa Dhiiga oo ka baxsaday Xabsi uu ku xirnaa

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×