Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Maxkamadda Cadaaladda Adduunka oo Ku dhawaaqaysa xukunka dacwaddii Badda ee Soomaaliya iyo Kenya


Maxkamadda Caddaalada ee Adduunka ee ICJ ayaa shaacisay in 12-ka bisha soo socota ee October 2021 ay si rasmiya go’aan uga gaari doonto kiiska badda Soomaaliya Iyo Kenya.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa isna sheegay in uu umadda Soomaaliyeed la wadaagayo warka ku saabsan in 12-ka October ay maxkamadda ICJ shaacin doonto xukunka dacwaddaas.

Waxaa farxad ii ah in aan Ummadda Soomaaliyeed la wadaago in Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ay xukunka dacwaddii Badda ee Soomaaliya iyo Kenya soo saari doonto 12ka Oktober, 2021.” Ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Dacwadda muranka Badda Soomaaliya Iyo Kenya oo heerar kala duwan soo maray ayaa lagu wadaa in maxkamaddu go’aan kama dambays ah ka gaarto.



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Maxkamadda Cadaaladda Adduunka oo Ku dhawaaqaysa xukunka dacwaddii Badda ee Soomaaliya iyo Kenya

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×