Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Wasiir ka tirsan Hirshabeelle oo Muqdisho ku geeriyooday

 


Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya maanta ku geeriyooday Alle ha u Naxariistee Wasiir Kuxigeenkii Wasaaradda Warfaafinta maamul Goboleedka Hir-Shabeelle kana mid ahaa Baarlamaanka maamulkaasi Maxamed Axmed Faarax ( Kolombo)

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa warbaahinta u xaqiijiyay geerida wasiirka, iyagoo sheegay in maalmihii la soo dhaafay uu xanuunsanaa sidaasina uu Maanta ku Geeriyooday.

>

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo loogu tacsiyadeeynayay Wasiirka geeriyooday ayaa lagu sheegay Gudoomiye Dr. Cabdixakim Luqmaan xaaji Muxumed isagoo ku Hadlaya Magaciisa, kan Guddoonka, iyo Magaca xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle uu ka Tacsiyadeynayaa Geerida Naxdinta leh ee ku timid Xildhibaan Marxuum Mohamed Ahmed Farah (Kolombo) oo kamid ahaa xubnaha ugu fir fircoon ee Barlamanka Hirshabelle kaasoo ku geeriyoday Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Wasiir ka tirsan Hirshabeelle oo Muqdisho ku geeriyooday

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×