Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Faah-Faahin Ka Soo Baxaysa Qarax Xalay Ka Dhacay Dekeda Boosaaso


Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in uu qarax ka dhacay dekeda magaalada Boosaaso.
Qaraxan oo ahaa nooca dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay afafka hore ee Dekeda Boosaaso iyadoo ay halkaas ku sugnaayeen ciidamada ilaalada dekeda iyo dadweyne kale.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxan uu ku dhintey hal ruux oo rayid ah halka askari kalana uu ku dhaawacmay.
Sidoo kale qaraxan ayaa geystay khasaaro hantiyeed, isagoo bur-buriyey guryo iyo gaadiid ka ag dhawaa halka uu ka dhacay.
Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay qaraxan hase ahaatee waxaa weerarada iyo qaraxyada ka dhaca Boosaaso sheegta kooxaha Al-Shabaab iyo Daacishta Soomaaliya.
Xigasho:jowhar.com


This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Faah-Faahin Ka Soo Baxaysa Qarax Xalay Ka Dhacay Dekeda Boosaaso

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×