Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

DEG DEG: Nin Kenyan ah oo toogasho lagu dilay, magaalada Boosaaso

Nin u Dhashay Dalka Kenya ayaa maanta toogasho lagu dilay, gudaha magaalada Boosaaso, sida ay goobjoogeyaal u xaqiijiyeen warbaahinta

Ninka la dilay ayaa waxaa la sheegay in uu ka shaqeynayay shirkad kaluumeysi oo lagu magacaabo Ocean, islamarkaana dilkiisa uu gaystay askari ka mid ahaay ilaaladiisa oo khilaaf uu soo kala dhexgalay.

Dilka ayaa ka dhacay xeebta magaalada Boosaaso. Duqa magaalada Boosaaso, Cabdisalaan Bashiir ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dilka ninka u dhashay dalka Kenya, isaga oo sheegay in dilka kadib uu askariga goobta ka baxsaday.

Si kastaba, howl-gal ay ciidamada ka sameeyeen magaalada ayaa lagu soo qabtay askariga dilka gaystay, wuxuuna hadda ku jiraa xabsiga, sida uu sheegay taliyaha booliska qeybat gobolka Bari, Xuseen Cali Maxamuud.


This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

DEG DEG: Nin Kenyan ah oo toogasho lagu dilay, magaalada Boosaaso

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×