Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Guddiga ansixinta iyo xallinta khilaafaadka oo soo saaray shuruucaha laga rabo Xildhibaannada cusub


Guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka Puntland ee uu magacaabay madaxweyne Gaas ayaa maanta shaaciyay shuruudaha looga mid noqon karo Baarlamaanka iyo jadwalka la qabanayo araajida xubnaha u tartamaya Golaha wakiilada cusub.

Shuruudaha oo sida guddigu sheegay laga tixraacay Dastuurka dowladda Puntland ayaa waxay kala yihiin.
  1. In uu yahay muwaadin Puntland ah, muslim ah, guta waajibaadka diiniga ah, xilkas ah, anshax wanaagsan, miyirkiisu dhanyahay, da’diisu aanay ka yareyn 30 sano.
  2. In aan xuquuqdiisa muwaadinimo xukun maxkamadeed lagaga laalin, 5-tii sano ee la soo dhaafay.
  3. In uu leeyahay aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta.
  4. In uu keensado habraacii soo xulista xubinnimada xeerkiisa.
  5. In uu keensado shahaado dugsi sare iyo wax u dhigma.
  6. In uu keensado labo sawir iyo taariikh nolaleedkiisa.
Guddiga ayaa dhinaca kale sheegay in qabashada araajida dadka doonaya xubinnimada Baarlamanka ay bilaabanayso 10 bishan December,kuna egtahay 15 isla bishan December.



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Guddiga ansixinta iyo xallinta khilaafaadka oo soo saaray shuruucaha laga rabo Xildhibaannada cusub

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×