Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Iska hor imaad ciidamo ka tirsan Puntland ku dhexmaray magaalada Boosaaso


Laba qof oo rayid ah ayaa geeriyooday, laba askarina way ku dhaawacmeen kadib markii maanta galinkii dambe dagaal dhexmaray ciidamo ka tirsan maamulka Puntland iyo ciidamada ilaalada xabsiga Boosaaso.
Rasaas aad xooggan oo Labada dhinac iswaydaarsanayeen ayaa laga maqlayey inta badan magaaladda, sida ay sheegayaan dadka deegaanka, wararku waxay intaa ku darayaan in dhawaqa rasaastu uu si is daba joog ah u socoday mudo nusa saac ka badan.
Labada qof ee rayidka ah ayaa la sheegay in ay rasaastu ku dhacday iyaga oo magaalada dhex maraya, halka labada askari ee dhaawacmayna ay ka mid yihiin ciidamada maamulka Puntland.
Iska hor imaadkan ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhashay kadib markii ciidamadda Ilaaladda Xabsiga oo ka cabanaya mushahar la’aan mudo dhawr bilood ah ay xoog ku qabsadeen dhismaha xabsiga oo ay diideen in gudaha ay u galaan mas’uuliyiin Puntland ka tirsan.


This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Iska hor imaad ciidamo ka tirsan Puntland ku dhexmaray magaalada Boosaaso

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×