Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

DEG DEG: Mid ka mid ah Waxgaradka Gaalkacyo oo goor dhaw la dilay


Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in caawa magaaladaas lagu dilay Nabadoon Xasan Cali Geelle oo okamid ahaa waxgaradka gobalka Mudug.

Nabadoon Xasan Cali Geelle ayay dileen dabley hubeysan oo aan heybtooda la aqoonsan, waxaana ciidamadu amnigu ay wadaan baaris ku aadan dhacdada dilkan.

Saraakiisha Laamaha Amniga ayaa sheegay in aysan jirin cid ay u soo qabteen dilkan, waxayna cadeeyeen in ay hadda ku howlan yihiin baadi-goobka kooxahan.

Marxuum Geelle wuxuu dawladdii Miateriga ahayd kamid ahaa Saraakiisha Nabadsugida & Sirdoonka Soomaaliya, laakiin tan iyo burburkii wuxuu ka mid ahaa waxgaradka gobalka Mudug ee ka shaqeeya dhanka nabadgalyadda.


Dilalka qorsheysan ayaa inta badan ka dhaca magaalada Gaalkacyo, mana jiraan cid loo qabtay dilalkii ugu dambeeyey oo lagu beegsaday xubno muhiim ah oo kamid ahaa waxgaradka iyo Haldoorka gobalka Mudug.


This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

DEG DEG: Mid ka mid ah Waxgaradka Gaalkacyo oo goor dhaw la dilay

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×