Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

xaflad soo Dhawayn ah oo Loo qabtay Aamina Maxamed oo ku guulaysatay kaalinta kowaad tartanka quraanka Kariimka ee Gabdhaha

 

Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee Gabdhaha Puntland oo ay soo qabanqaabisay Madasha Aj-yaal ayaa ah mid si heersare ah loo soo agaasimay oo lagu soo bandhigay kartida iyo dadaalka ay dhalinyaradu u leeyihiin xifdinta qur’aanka kariimka.

Mid ka mid ah tartamadii u dambeeyay, Aamina Maxamed Xoolaside waxay ku mid ahayd xidigihii ku soo baxay tartanka  waxayna ku guulaysatay kaalinta koowaad gabdhihii ku tartamaayay 10 jis ee quraanka kariimka . 

waxaa lagu qabtay Hotel Salama ee degmada Baargaal  xaflad lagu soo dhawaynaayay laguna  maamuusayay guusha quruxda badan ee ay gaartay, iyo sida quruxda badan ay u matashay Gabdhaha Degmada iyo gobolka 

Safarka Aamino ee ku guuleysiga tartanka Qur’aanka Kariimka waxa uu ku sifoobay hal-adayg, dadaal iyo jacayl qoto-dheer oo ay u qabto qur’aanka kariimka oo ah wax la barto waxa ugu khayrka badan . 

Jacaylka ay u qabto Qur’aanka kariimka wuxuu ka muuqday bandhigeeda intii uu tartanka socday, taas oo ay ku mutaysatay kaalinta koowaad ee ay u qalantay.

Guusha aamino ee tartanka Qur’aanka Kariimka ee gabdhaha Puntland ayaa saameyn weyn wuxuu ku yeeshay bulshada ku dhaqan Puntland gaar ahaan gobolka Raascasayr. Guusheeda waxa ay dhiirigelisay hablaha kale ee da'da yar in ay ku dadaalaan barashadooda Qur'aanka kariimka  oo ay sharaf iyo qadarin u keenaan qoyskooda, dugsiyadooda iyo bulshadooda. 

Guusha Aamina waa tusaale ifaya oo muujinaya awoodda dedaalka dhiiranaatada iyo kalsoonida in ilaahay kugu guulaynaayo hadafkaad ku taamayso  

Hambalyo mar labaad Aamina maxamed Xolaside guusha wanaagsan ee ay u qalantay

















This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

xaflad soo Dhawayn ah oo Loo qabtay Aamina Maxamed oo ku guulaysatay kaalinta kowaad tartanka quraanka Kariimka ee Gabdhaha

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×