Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Markab dagaal ee Faransiiska oo soo riday diyaarado Drone ay lahaayeen Xuutiyiinta Yemen

 


Ciidamada Faransiiska ayaa Axadii sheegay in labo diyaaradood oo nooca Drones-ka ah ay ku soo rideen badda cas, kuwaasi oo ka yimid xeebaha dalka Yemen.

Burburinta labadan diyaaradood waxaa fuliyey markabka Languedoc, kaas oo ku sugan badda cas, Taliska guud ee Faransiiska ayaa ku sheegay warsaxaafadeed.

Weerarkan ayaa dhacay xalay saacadu markay ahayd 2230 habeenimo, wuxuuna ka dhacay meel 110 km u jirta xeebaha Yemen.

Xuutiyiinta Yemen ayaa Sabtidii ku hanjabay inay weerari doonaan maraakiib kasta oo u socda dekedaha Israa’iil haddii aan cunto iyo dawo loo oggolaan marinka Gaza ee go’doonsan



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Markab dagaal ee Faransiiska oo soo riday diyaarado Drone ay lahaayeen Xuutiyiinta Yemen

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×