Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

XOG: Madaxwayne Deni & Sirdoonka Israel oo ku kulmaya dalka Jordan

 


Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta u amba-baxay safar uu ku marayo dalal dhowr ah, kuwaas oo u tagayo arrimo kala duwan.


Idilnews, ayaa horey u tabisay in Madaxweyne Deni uu tagi doono dalalka Itoobiya, Imaaraatka Carabta iyo Kenya, safarkiisa ayaana isugu jira mid shaqo iyo arrimo gaar ah.


Xubno kamid ah dadka u dhow ayaa dabayaaqadii todobaadkii hore u socdaalay Dubai si ay u qabanqaabiyaan socdaalka Madaxweynaha. Dhanka kale, Xog cusub oo ay heshay Idilnews ayaa sheegaysa in MW Siciid Deni uu tagi doono dalka Jordan, halkaas oo uu kulamo kula qaadan doono xubno iyo saraakiil katirsan sirdoonka Israa’iil.


Lama oga waxyaabaha ay ka wadahadli doonaan labada dhinac, balse kulankan oo ay fududeysay dawladda Imaaraatka Carabta, ayaa noqonaya kii labaada ee dhexmara MW Deni iyo saraakiisha sirdoonka Israa’iil, waxaana sida xoguhu sheegayaan ay horey uga wadahadleen kor u qaadidda tayada sirdoonka Puntland iyo wadashaqeyn dhow oo dhexmarta Hay’adda Sirdoonka Puntland (PISA) iyo sirdoonka Yahuuda ee MOSSAD, taas oo Israa’iil ay fulisay qeyb kamid ah is afgaradka.


Puntland oo ah mandiqada istiraatiiji ah, ayaa waxaa loolan adag ugu jira quwadaha adduunka, Imaaraatka Carabta oo malaayiin dollar ku bixiya bishii amniga deegaanka ayaana u muuqda gacanta dhexe ee xiriirinaysa dhinacyada.

Xigasho : idilnews



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

XOG: Madaxwayne Deni & Sirdoonka Israel oo ku kulmaya dalka Jordan

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×