Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Warqad Furan oo Ku Socota Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni

 


Puntland waa maamul mug iyo miisaan weyn ku leh Soomaaliya. Waa maamulkii ugu horeeyay ee ka hanaqaada burburkii dowladdii dhexe kadib 1991 marka laga reebo Somaliland.


Puntland waxa ay miisaan culus ku laheyd dhismaha iyo taabagelinta Dowldda Federalka. Puntland dhowr doorasho oo ka dhacday hal cod ayaa lagu kala adkaaday, musharixii laga guuleystana waa aqbalay. Sidaas darteed puntland qiimo weyn ayay ugu fadhisaa shacabka Soomaaliyeed.


Dooraashada Golaha deegaanka.


Madaxweyne Saciid Deni iyo maamulka Puntland waxan ugu hambalyaynaynaa doorashada golaha deegaanka oo si nabadgelyo ah u qabsoomtay, waxana rajeynaynaa 3-da degmo ee weli doorashada laga qaban in laga qabto.


Doorashada Xildhibanada iyo Madaxweynaha ee 8 Janaayo 2024


Madaxweyne Deni iyo maamulka uu hoggaamiyo waxay go’aansadeed in Puntland ay ka qabtaan doorasho qof iyo cod ah laguna baratamo axsaab, taas oo baahi weyn u qabaan shacabka soomaaliyeed, horeyna loo waayay dowlad goboleed ku dhiirata, marka laga tago Somaliland oo sheegatay in Soomaaliya ka go’een.


Go’aanka doorasho ee qof iyo cod ee Puntland waxa uu abuuray shaki, kaas oo kaabaya dhacdooyinkii dhowr jeer ka dhacay Garoowe iyo Boosaaso, shaqaaqooyinkaas oo dad shacab ah ku dhinteen, qaarna ku dhaawacmeen, hantina ay ku burburtay.


Waxa muuqata in saamileydda siyaasadda, dhaqanka iyo bulshada qaar ka mid ah, u arkaan in doorashada Madaxweyne Deni qabanayo ay mugdi badan uu ku jiro, ujeedku in uusan aheyn doorasho qof iyo cod ah oo xalaal ah, ee ay tahay kushubasho, qaarkoodna waaba ka fal celiyeen.


Haddii saamileydda siyaasadda aysan qayb ka aheyn doorashada iyo hanaanka ay ku dhacayso, guusha doorashada waxay noqon doontaa mid jaban.


NOQO GEESI DIWAANKA ADUUNKA GALA.


Madaxweyne waxan maanta ku siinayaa taladii aan siin lahaa wiilkeyga curadka ah! Mudane Madaxweyne noqo mid badbaadiya Puntland, mid soomaaliya badbaadiya iyo mid Africa badbaadiya.


Mudane Madaxweyne iskugu yeer saamileydda siyaasadda, isimada, ganacsatada, aqooyahanka, culimada, haweenka iyo bulshada rayidka ah, u caddee in aad u tanaasushay danta dadka, diinta iyo dalka, in aad qabanayso doorasho qof iyo cod ah, misana aadan tartameyn, xisbi iyo shaqsi aad taageereysana uusan jirin oo dhex dhexaad tahay, kana dhabeyneysid, weliba hortooda kitaab ku dhaaro.


Mudane haddii aad go’aankaas qaadato waxa uu badbaadinayaa Soomaaliya oo dhan gaar ahaan Puntland. Waxa aad shacabka iyo gaar ahaan Siyaasiyiinta Soomaaliyeed u noqoneysaa TUSAALE, oo iskuulada iyo jaamacadaha adduunka lagu dhigo.


Ma jiro hoggaamiye Soomaaliyeed oo horey u sameeyay, ma jiro hoggaamiye afrikan ah oo horey u-sameeyay. Waa qariib in go’aanka nuucaan ah uu qaato qof african ah oo awood leh, waana kasii daran yahay in hoggaamiye Soomaaliyeed go’aankan mucjisada ah qaato.


Waxan rajeynaaa Madaxweyne in aad noqon doonto hoggaamiye guri kasta looga sheekeysto, oo sawirkiisu suran yahay.



Gudoomiyaha Xisbiga Daldhis ahna Gudoomiyaha Xiriirka Arrimaha Dibadda ee Xisbiyada Siyaasadda Soomaaliyeed

 Cabdiraxmaan Xuseen Caddow.



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Warqad Furan oo Ku Socota Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×