Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Barlamaanka Puntland oo magaca Raas Casayr u badalay gobolkii horay loo oran jiray Gardafuu

 


Garoowe: July 20, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 14-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. 

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Gobolka cusub ee Raas Casayr ee horay Loo Oran Jiray Gobolka Gardafuu.

Waxaa Oggol ugu codeeyay 44 mudane, diidmo 2, cid ka aamustayna ma jirin.



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Barlamaanka Puntland oo magaca Raas Casayr u badalay gobolkii horay loo oran jiray Gardafuu

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×