Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Gardafuu oo Xilki Kala Wareegay Gudoomiyihi hore ee Gobolka Gardafuu.

 


Caluula ( BaargaalMedia) Magaalada Caluula ee xarunta Gobolka Gardafuu Waxaa maantay ka qabsoontay xilwareejinta Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Gardafuu oo Dhawaan uu soo Magacaabay madaxwayanaha Dawlada Puntland Dr Said Abdullahi Deni.

Kulanka waxaa Goob Joog ahaa Wasiirka Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Dawlada Puntland Wasiirka Hurumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Wasiir Dawlaha Arimaha Gudaha Wasiir Ku Xigeenada Kaluumaysiga iyo Dakadaha Taliye ku Xigeenka Booliska Puntland Gudoomiyaha Cusub iyo Gudoomiyihi Hore ee Gobolka Gardafuu Taliyaha Qaybta Gobolka Gardafuu Nabadoono Waxgarad Dhalinyaro Haween iyo Qaybaha Kala Duwan ee Bulshada Magaalada Caluula.


Ugu Horayn Gudoomiyihi hore ee Gobolka Gardafuu Mudane Muuse Saalax Guuleed ayaa soo bandhigay wax yaabihi uqabsoomay mudadi uu xilka joogay wuxuu U hambalyeeyay Gudoomiyaha Cusub isagoona Ugu Danbayn Xilki Ku Wareejiyay Taasoo Uu Qayb ka Noqday Wasiir Dawlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha Faderaalka iyo Dimukhraadiyaynta Dawlada Puntland Mudane Maxamed Axmed Kulan.


Sidoo Kale Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu Mudane Cumar Cisman Siciid ayaa marki uu xilka la wareegay soo bandhigay qorshihiisa cusub ee uu Shacabka Reer Gardafuu Ku Hagi Doono Wuxuu Codsaday in Lala Shaqeeyo oo Loogu Duceeyo Xilka in Eebe Ku Asturo Isagoona Ugu Danbayn Umahad Celiyay Madaxwayanaha Dawlada Puntland Dr Said Abdullahi Deni oo Fursad Usiiyay inuu Bulshada U Adeego.

Ugu Danbayn Marti Sharafti Kala Duwanayd ee Xaflada Kasoo Qaybgashay ayaa U hambalyeeyay Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Gardafuu iyagoona eebe u waydiiyay in masuuliyadan culus ufududeeyo Sidoo kale Waxay Umahad Ciliyeen Gudoomiyihi Xilka Wareejiyay Mudane Muuse Saalax Guuleed oo ay Urajeeyeen Mustaqbal Ifaya.










This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Gardafuu oo Xilki Kala Wareegay Gudoomiyihi hore ee Gobolka Gardafuu.

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×