Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Guryaha madaxda ha laga bilaabo la dagaalanka musuq maasaqa

 

Maalmahan waxaa socotay la dagaalanka Musuqmaasuqa oo ay waddeen Madaxweeyne Xasan Shiikh iyo Ra’iisal Wasaare Xamse Barre. Hase ahaatee, musuqmaasuqa ka jira dalka Soomaaliya ayaa ah mid uu ka billowdo madaxda sare, meesha uu ku dhammaado shaqaalaha hoose. 

Hadaba, waxaa wax lala yaaba ah in Madaxweeyne Xasan oo musuqmaasuq kan ugu xun gacmaha kulla jira uu maanta ummadda Soomaaliyeed ka dhaadhiciyo inuu musuqmaasuqa la dagaalamayo.

Soomaali hadaanu nahay guud ahaanteen, waxaan u haysanaa musuqmaasuqa in uu yahay oo kaliya lacagaha la dhaco, balse musuqmaasuqa waxa uu ka koobanyahay qeeybo badan oo ay ka mid yihiin:

Laaluush in aad bixisid si wixii aad u baahneeyd laguugu dhameeyo;

Lunsasho hanti laguu dhiibay sida daawo, raashin, hub, iyo wax kasta oo agab ah;

shaqaalaha oo aad lacag weeydiisato si aad u dalacsiisid ama dumarka shaqaalaha ah oo aad jirkooda weeydiisato si waxa ay rabbaan aad uga badalato;

Shirkad aad u shaqeeyso oo aad siraheedii ka iibsato sida alaab cusub oo ay shirkadaas soo saari lahayd ama fikrado cusub oo ganacsi oo shirkaddu ay faa’iido badan ka sammeeyn lahayd oo aad  shirkadaha loolanka uu kalla dhaxeeyo aad u gudbiso adiga oo lacag ku badalanaya;

Adoo madaxweeyne ah ama wasiir ah ayaa shirkado shisheeye waxaad u sahleeysaa in danta ay dalkaaga ka leeyihiin ha noqoto mid wanaagsan ama mid xun, sida shidaal baarid, dekkedaha iyo garoomada diyaaradaha oo aad ku wareejiso, inaad saldhig militari aad u ogolaato ineey dalkaaga ka sameeystaan, qandaraasyo kale oo aad iyaga u xidho ama wasaqda warshadaha in lagu aaso badaada ama berigaaga taasoo qofkii la siinayo mallaayiin doolar;

Waxaa ka mid ah inaad hadiyaddo qaali ah aad qof siisid, dalxiis qaali ah oo aad ka bixiso iyo wixii la mid ah si aad uga hesho waxa aad ka rabto qofkaas.

Waxaa kalloo ka mid ah musuqmaasuqa in aad Eex sameeyso sida shaqo aad u magacawdo wiilkaaga, gabadhaada, dadka qarabadaada ah, saaxiibadaada, saaxiibadaada saaxiibadood, iyada oo aad daaqada ka soo gellinayso shaqsiyaadkii, meesha dadkii kale ay saf ugu jiraan albaabka oo ay sugayaan shaqo si ay ugu tartamaan. 

Waxaa Madaxweeyne Xasan Shiikh uu meelo badan oo ka mid ah hay’adaha dawladda uu u magacaabay reerkiisa iyo saaxiibadiisa, iyadoo dhammaantood aysan soo marin dariiqa tooska ah. Xasan Shiikh waxa uu u haystaa musuqmaasuqa in uu yahay oo kalliya lacag la dhaco.

Si kastaba, ha ahaato, musuqmaasuqa waa qeeybo badan yahay, marka qofka doonaya inuu musuqmaasuqa la dagaalamo waa in marka hore uu isaga ka madaxbannaan yahay musuqa, balse qof gurigiisa uu musuq miiran yahay, waxa uu waddaa waa sheeko baraleey iyo indho sarcaadin.



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Guryaha madaxda ha laga bilaabo la dagaalanka musuq maasaqa

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×