Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Xog:-Somaliya iyo Comoros oo ku heshiiyey inay ka qaybgalaan shirka Madasha Negev.

 

Soomaaliya iyo Comoros,ayaa aqbalay in ay Madax sare oo korjoogto ah u soo diraan shirka heer Wasiir ee Madasha Negev.

Shirkaas,waxaa kaloo kasoo qaybgalaya Maraykanka,Isra’il, Masar, Imaaraadka Carabta, Baxrayn iyo Maroko.

Labada Waddan ee Muslimiinta u badan, oo sidoo kale xubin ka ah Jaamacadda Carabta,ayaan xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah la lahayn Isra’il.

Saraakiil ka socda Somaliya iyo Comoros,ayaa muddo sanado ah wadahadalo hoose kula jiray Israa’iil,kuwaasoo si qarsoodi ah ku booqday Israa’iil.

Madasha Negev waxaa lagu Aas Aasay Shir aan caadi ahayn oo bishii Maarso 2022-dii,kaasoo ka dhacay Israa’il ayna iskugu yimaadeen Madax sare oo kala ahaa,Xoghayaha Arrimaha Dibadda Tony Blinken iyo wasiirrada arrimaha dibadda ee Israa’iil, Masar, Isutagga Imaaraadka Carabta, Baxrayn iyo Morocco.

Fikradda,ayaa ahayd in madashu ay noqoto madal iskaashi dhinacyo badan leh oo Gobolka ah,sida Caafimaadka,Dhaqaalaha, Isbeddelka Cimilada,Biyaha iyo Amniga.

Kulankii Labaad ee Wasiir ee Madasha Negev,ayaa markii hore loo qorsheeyay Maarso, laakiin dhowr jeer ayaa dib loo dhigay, iyadoo xubnaha Carabtu ay walaac ka muujiyeen inay si cad ula macaamilaan dawladda garabka midig ee Israa’iil,waxaase hada la filayaa in uu dhaco xagaaga ka dib.

Kahor dib u dhigistii ugu danbeysay, Israa’iil waxay soo jeedisay in Somaliya iyo Comoros ay ka soo qeybgalaan kulanka,iyagoo goobjoogeyaal ah.



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Xog:-Somaliya iyo Comoros oo ku heshiiyey inay ka qaybgalaan shirka Madasha Negev.

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×