Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Libaaxyada senegal oo bahdilay Brazil ugana badiyay 4-2

 




Sadio Mane ayaa laba jeer shabaqa soo taabtay ciyaar uu xulka dalkiisa Senegal guul 4-2 ah ka gaadhay Brazil, waxaanay ahayd ciyaar aan waxba la iskula hadhin oo ciyaartoyda labada xul ay gacmaha iskula tageen oo ay tababareyaasha iyo garsooreyaashu kala qabteen ciyaartoyda.

Xulka qaranka Brazil ayaa furay gool-dhalinta qaybtii hore, waxaana gool u dhaliyey Lucas Paqueta, hase yeeshee Senegal ayaa awoodda in ay iska soo beddelo goolkaas oo ay qaybta hore ee ciyaartu kusoo dhamaato 1-1.

Lix daqiiqadood oo bilowga qaybta dambe ayay saddex gool ku dhasheen, waxaana diciifnimada Brazil soo saaray Sadio Mane iyo Ismaila Sarr oo burburiyey khadka dhexe iyo difaacDaqiiqaddii 52aad ayaa kubbad dhinaca midig laga keenay waxa isku qabtay oo iska dhaliyey difaaca Brazil ee Marquinhos, saddex daqiiqadood kaddibna Sadio Mane ayaa gool qurux badan oo uu meel fog ka toogtay shabaqiisa u weydaariyey goolhaye Ederson, hase yeeshee Marquinhos ayaa ceebtii iska maydhay oo dhaliyey gool daqiiqaddii 58aad.

Waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta ayaa Senegal loo dhigay rikoodhe uu gool u beddelay Sadio Mane, sidaas ayyaanay ciyaartu ugu soo dhamaatay 4-2 ay guushu ku raacday Senegal, halka Brazil ay niyad-jab kusoo xidhatay ciyaaraha caalamiga ah ee bisha June..









This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Libaaxyada senegal oo bahdilay Brazil ugana badiyay 4-2

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×