Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Kalfadhigii 52 aad ee barlamaanka puntland oo maalitii 4aad socda

 


Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Garaad Cawl oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka  1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 4-aad  ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dhageysiga warbixinta Guddiyada, waxaana warbixin soo jeediyay;

1. Guddiga Arrimaha Golaha iyo Anshaxa

2. Guddiga Shuruucda, Caddaalada iyo Arrimaha Diinta iyo Dastuurka

3. Guddiga Arrimaha deegaanka iyo Khayraadka dabiiciga ah

4. Guddiga Amniga & Nabadgelyada

Warbixinta  ayaa ku saabsanayd kormeerro iyo xog ururin ay Guddiyadu ku soo sameeyeen hay'addaha Dawliga ah ee ay korjoogtada ku leeyihiin, lana socdaan shaqooyinka ay dalka u hayaan.

Waxaa sii socon doonaa maalmaha soo socda Warbixinada Guddiyada Golaha.



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Kalfadhigii 52 aad ee barlamaanka puntland oo maalitii 4aad socda

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×