Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

WASIIRKA CADDAALADDA PUNTLAND OO SHAQA-JOOJIN KU SAMEEYAY SADDEX AGAASIME WAAXEED

 


Wasiirka Caddaaladda Puntland ayaa shaqa joojin ku sameeyay Saddex Agaasime Waaxeed oo ka tirsan wasaaradda.

Warqad ka soo baxday xafiiska wasiirka Caddaaladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab Axmed ayaa shaqada looga joojiyay saddex agaasime waaxeed oo ku eedaysan shaqa gudasho la’aan.

Warqadda ayaa lagu caddeeyay in shaqada laga joojiyay Agaasimaha Waaxda Arrimaha Diinta Axmed Maxamed Cali, agaasimaha waaxda arrimaha Anshaxa Maxamuud Xasan Xirsi iyo agaasimaha waaxda Dastuurka Yuusuf Ibraahim Saalax.

Saddexda agaasime waaxeed ayaa ku eedaysan in aysan shaqada imaan mudda ka badan sannad sabab la’aan sidoo kale u hoggaansami waayeen digniintii loo jeediyay.





This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

WASIIRKA CADDAALADDA PUNTLAND OO SHAQA-JOOJIN KU SAMEEYAY SADDEX AGAASIME WAAXEED

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×