Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Golaha wasiirada Puntland oo ansixiyay kordhinta tirada xisbiyada siyaasadda

 


Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Dowladda Puntland.

Shirka Golaha ayaa caawa looga hadlay qodobo ay ka midyihiin Amniga, dib-u-dejinta ardeyda ay saameysay xaaladda Sool iyo Suudaan, Dardargelinta Doorashada Goleyaasha Deegaanka iyo soo jeedinta balaarinta Xisbiyada Siyaasadda , warbixinta xaaladda Gaadiidka Dowladda iyo curashada Roobabka gu’ga.


Golaha Wasiirada Dowladda Puntland iyagoo tixgelinaya dalabka Ururada Siyaasadda ee ahaa in la badiyo tirada Ururada u gudbaya Xisbiyada Siyaasadda, Goluhu wuxuu soo jeediyay in laga dhigo Xisbiyada Siyaasadda 5 Xisbi halka ay awal aheyd 3 Xisbi, waxaana soojeedintaas oo si aqlabiyad leh Goluhu u ansixiyey loo gudbinaya Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Golaha wasiirada Puntland oo ansixiyay kordhinta tirada xisbiyada siyaasadda

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×