Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Xog: Khilaaf adag oo ka dhex taagan Madaxweyne Deni iyo Wasiir Juxa

 


Madaxweynaha Puntland Siciid C/laahi Deni iyo wasiirkiisa arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxa ayaa warar soo baxaya waxay sheegayaan inuu soo kala dhex galay khilaaf xoogan.

Khilaafkan Ayaa bilowday sida wararku sheegayaan ka dib markii Wasiir Juxa uu ka horyimid qorshe uu madaxweyne Deni ku raadinayo inuu wax ka beddel ku sameeyo Dastuurka si loo kordhiyo tirada xisbiyada rasmiga ah ee ku soo baxaya barnaamijka qof iyo cod.


Deni ayaa sidoo kale isu diyaarinaya inuu xilka qaadis kaga jawaabo diidmada Wasiir Juxa ka muujiyay wax ka beddelka Dastuurka, waxaana lagu kala dhaqaaqay dhowr kulan oo ay isku yimaadeen labada masuul.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Siciid Deni uu Cabdi Xirsi Cali Qarjab qorshaynayo inuu u magacaabo Wasiirka arrimaha gudaha ee Puntland ka dib marka uu wasiir Juxa shaqada ka eryo.

Dhinaca kale, Madaxweyne Siciid Deni ayaa qorshaynaya in uu dhawaan xilka qaadis ku sameeyo Taliyaha guud ee Ciidanka Daraawiishta Puntland Gen. Abshir Cabdi Jaamac (London).

Deni ayaa lagu wadaa inuu Taliyaha cusub ee Ciidanka Daraawiishta u magacaabo Gen. Muumin Cabdi Shire oo hadda ah Taliyaha Booliska.



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Xog: Khilaaf adag oo ka dhex taagan Madaxweyne Deni iyo Wasiir Juxa

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×