Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Siciid Deni oo kulan xasaasi ah la qaatay taliyaasha ciidamada Puntland (Sawirro)

 

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay Qasriga Madaxtooyada kulan Kula qaatay saraakiisha ciidanka kala duwan ee  Puntland, sida Daraawiishta , Booliska , Asluubta iyo Nabad sugida.

Kulanka dhax maray madaxweyne Deni iyo taliyaasha ciidamada ayaa ku saabsanaa dar-dargelinta amniga guud ee deegaannada Puntland, iyo sidii looga hortagi lahaa cid kasta oo isku dayda in xaalad ammaan darro in ay abuurto

Madaxweynaha Puntland ayaana inta uu kulanka socda waxa uu warbixinno kala duwan ka  dhegaystay saraakiisha ciidanka maamulka Puntland, kuwaa oo madaxweynaha warbixino ka siiyay sugida amniga iyo daruufaha ciidamada ka dhax jira.

Madaxweyne Deni oo dhawwaan dib ugu soo laabtay Garawe oo maalmo badan ka maqnaa ayaa wada kulamo uu la qaadanayo madaxda maamulkaasi iyo saraakiisha ciidamada ,kuwaa oo kala hadlay xaalada maamulka iyo doorashooyinka la filayo in ay qabsoomaan.




This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Siciid Deni oo kulan xasaasi ah la qaatay taliyaasha ciidamada Puntland (Sawirro)

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×