Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Faah-faahin laga helayo dil argagax leh oo ka dhacay Muqdisho



Warar dheeraad ah Ayaa laga helaya dil goor sii horeysay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo koox burcad ah ay ugu Geysteen Gabar Dhalinyaro ah.

Dilkan oo ka dhacay xaafada Juungal ee degmada Yaaqshiid, Ayaa Waxay kooxda burcadka ah u geysteen gabar dhalinyaro ah oo kamid aheyd shaqaalaha isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Gabadhan oo magaceeda lagu sheegay Naciimo Cabdiraxmaan, ayaa waxay Kalkaaliso ka aheyd Isbitaalka Madiina ee dowladda ay gacanta ku hayso.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in gabadha Kalkaalisadda aheyd loo dilay telefoon ay wadatay, kadib markii ay isku dhajisay, taasi oo keentay in kooxda burcadka ah ay si xoog uga qaateen, ayna xabado la dhacaan, sida ay sheegeen dad ka agdhawa.

Kooxda dilka geystay oo la sheegay iney wateen Mooto Bajaaj ayaa markiiba iskaga baxsaday goobta, ayada oo halkaasi ay gaareen ciidamada amaanka.

Ciidamada ayaa bilaabay baaritaan la xiriira dilkan, iyada oo laamaha amaanka ay sheegeen inay ku raadjoogaan burcadii geystay dilkaan.

Dilka maanta ka dhacay degmada Yaaqshiid ee loo geystay gabadhaan dhalinyarada ah ayaa kusoo aadaya, xilli uu maalmihii dambe amaanka magaalada Muqdisho uu soo hagaagayay, kadib markii amaanka caasimada lagu wareejiyay ciidamo gaar ah oo dhawaan tababar kusoo qaatay dalka dibadiisa.



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Faah-faahin laga helayo dil argagax leh oo ka dhacay Muqdisho

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×