Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Hadal heyn ka dhalatay kulan Muqdisho ku dhax maray Masuuliyiin iyo Ciyaal Weero

 


Magaalada Muqdisho qeybo kamid ah waxaa dhibaato xooggan ku haya Ciyaal weero mindiyo iyo baangado ku hubeesan, kuwaa oo dilal , dhac iyo dhibaatooyin kalaba u geesta shacabka ku dhaqan xaafadaha ay joogaan.

Ciyaal weerada ayaa si gaar ah dhibaato badan uga geesta degmada Kaaraan oo xilligan safka hore uga jirta degmooyinka ugu ammaanka xun gobolka Banaadir, waxaana amni xumada degmadaasi qeyb weyn ku leh Ciyaal Weerada.

Maamulka Degmada Kaaraan Iyo ciidamada ammaanka ee ka howlgala degmadaasi ayaa ku guul dareestay wax ka qabashada falalka ammaan daro ee xaafado katirsan degmadaasi ka geestaan ciyaal weerada burcada isku bedelay.

Guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Kaaraan oo xalay la hadlay mid kamid ah telefishinada ka howgla Muqdisho ayaa sheegay in kulan la qaateen qaar kamid ah hoggaamiyaasha ciyaal weerada Kaaraan dhibaatada ka waday.

Abshir Kaaraan ayaa sheegay in ciyaal weerada kala hadleen sidii ay u joojin lahaayeen amni darada iyo dhibaatada ay ka wadaan degmada , waxa uuna xusay in wadahadlkooda wax wanaagsan kasoo baxeyn .

Kulankan dhax maray maamulka degmada Kaaraan iyo ciyaal weerada ayaa dhaliyay hadal heyn badan, waxa ayna dadku badi kasoo horjeesteen in lala kulmo ciyaal weero, waxa ayna taasi badalkeeda tilmaameen in ay aheyd in xabsi lagu guro oo la ciqaabo.

Dadka qaar ayaa sheegay in nasiib darro tahay in aan wax laga qaban horjoogayaasha ciyaal weerada haddiiba la yaqaan, waxa ayna ugu baaqeen maamulka gobolka iyo laamaha amniga in ciyaalkasai tallaabo laga qaado oon wax naxariis ah loo sameyn.

Degmada Kaaraan waxaa marar badan ka dhacay dilal iyo falal kale oo argagax lahaa ay geesteen ciyaalka weerada, waxaana marar badan oo la xiray qaar kamid ah ciyaal weerada la sheegay in haddana la sii daayay.



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Hadal heyn ka dhalatay kulan Muqdisho ku dhax maray Masuuliyiin iyo Ciyaal Weero

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×