Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Arrin qabsatay Imaam tujinayey Salaada Taraawiixda oo laga hadal hayo Baraha bulshada (Sawirro)

Tags: ayaa imaam waliid

 


Muuqaalka Imaam Tujinayey Salaadda Taraawiixda ayaa noqday kii ugu hadal haynta badnaa guud ahaana Warbaahinta iyo baraha bulshada ee Caalamka 24kii saacadood ee la soo dhaafay.

Dhacdadaan sida weyn dadka u soo jiidatay ayaa ahayd muuqaal kooban oo muujinaya Xayawaanka Bisada loo yaqaan oo si kedis ah ugu soo boodaysa Imaam lagu magacaabo Waliid Mahsas kaasoo akhrinayay aayado Quraan ah oo qayb ka ahaa Salaaddii Taraawixda ee Masjidka Abu Bakar Sidiiq oo ku yaalla bariga dalka Aljeeriya.

Muuqaalka ayaa muujinayey Imaam Waliid oo si naxariis leh u ula dhaqmaya bisada oo garbihiisa u sii socotay.

Halka Bisaduna ay si naxariis leh ugu fariisatay garbihiisa isla markaana ay wejigiisa ku tiirsatay.

Bisadda ayaa ugu dambayn Imaamka ka degtay halka uu Imaamkuna si khushuuc leh isaga sii watey Quraankii uu akhrinayey.

Muuqaalkan ayaa noqday mid hadal hayn badan abuuray iyada oo ay naxariista Qaariga ka fal celiyeen dad aan xataa haysan Diinta Islaamka kuwaasoo ku ammaanay sida uu Sheekhu ugu naxariistay Bisaddii ilaa garbihiisa socotay isagoo awoodi karay inuu iska tuuro.

Wasaaradda Arrimaha Diinta dalka Aljeeriya ayaa abaalmarisay Shiikh Waliid Mahsas, ka dib muuqaalkii dareenka bini’aadanimada iyo quruxda badnaa ee uu Sheekh Waliid u muujiyay caalamka isagoo Salaad Taraawiix tujinaya bisad ama mukulaal korkiisa soo kortay mararka qaarkiisa ay dhacaysay in cijiyaha iyo ilkaha bisadda ay jirkiisa gaarayeen balse taas badelkeeda kaga falceliyay si degan oo tilmaamaysa naxariista Islaamka, akhlaaqda iyo xasiloonida.







This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Arrin qabsatay Imaam tujinayey Salaada Taraawiixda oo laga hadal hayo Baraha bulshada (Sawirro)

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×