Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Real Madrid Oo Cashar Kubadeed U Dhigtay koxda Liverpool

 


Koxda Real Madrid ayaa lug gashay wareegga 8-da Champion-ka ka dib markii ay 5/2 ku soo garaacday Liverpool oo ay marti u ahaayeen kuwaasi oo is dhiibay qeybtii labaad ee ciyaarta.

Sheekada qeybta hore : LIverpool iyo Real waxa ay ku nasteen bar bar dhac min laba Gool ah oo ay wiilasha Klopp ku horeeyeen

Liverpool cadaadis ayay ku bilaabeen kubadana waa gaarsiinayeen goosha Real ilaa biloowgii ku heleen gool cajiib ah oo cirib ah oo uu saxiixay Nunes daqiiqadi 4-aad waxaana qaladka lahaa daafaca Real oo sii daayay una qaatay in uu Offside yahay

Real waxaa biloowgii ku adkaa in si Wada Jir ah kubadda u dhisaan waxaana looga naxsaday gool kale oo uu qaladkiisa lahaa goolhayaha Real kaasi oo si sahal ah kubad u siiyay Salah kaasi oo shabaqa ku hubsaday daqiiqadii 14-aad

Sidaas oo ay tahay JR dadaal iyo isl xilqaan gaar ah ayuu waday waxa uuna Liverpool ka dhaliyay gool cajiib ah oo uu  banaanka ka toogtay daqiiqadii 21-aad

Labada daafac qaladaad ayaa ka dhacayay , sidaas oo ay tahay  Liverpool ayaa qeybtaas hore wacneyd xilli Real gool labaad uu u saixixay JR ka dib qalad uu sameeyay goolhayaha Kooxda Klopp oo kubad loo so baasay ku dhuftay JR taasi oo shabaqa gashay daqiiqadii  36-aad

Benzema sidii lagu yaqiinay kuma soo muuqaan , Real qadkeeda ma aheyn midkii la yaqiinay .

Soo laabashadii , Real cadaadis ayay ku bilaabeen kubaddana aagga goosha Liverpool waa gaarsiinayeen ilaa ay heleen gool madaxa ahaa oo uu saxiixay Militao daqiiqadii 48 ka dib kubad Free Kick aheyd .

Liverpool is badel weyn ayaa ka muuqday qaladaadna waa u nuglaayeen xilli ku adkeyd in kubadda aaggooda ka soo fogeeyaan ,waxaana lagu keenay gool  si wada jir ah looga shaqeeyay iyadoo kubad uu Benzema uu ku laaday goosha Liverpool ay ku sii dhacday Gomez waxa ayna gashay shabaqa daqiiqadii 56-aad waxaana loo qoray Benzema .

Liverpool isku dayo waa sameynayeen balse ma ahyn kuwo is wafaaqsan,wel welna waa ka muuqday ka dib goolashadaas xili gool 5-aad uu ka soo shaqeeyya Modric laga dhaliyay waxaan goolhayaha Liverpool dhulka Benzmea ka dib shabaqa dhigay kubadda daqiiqadi 67-aad

Ka dib dhacdooyinkaas , Liverpool ma laheyn dadaal keli keli ama wada jir ah waana is dhiibeen xilli ay u qalmeen goolal dheeraad ah

Si waliba waxa ay ciyaarta ku dhamaatay 5/2 oo ay Real lug kula gashay wareegga 8-fa Champion-ka waxaan la joogay garoonka Liverpol



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Real Madrid Oo Cashar Kubadeed U Dhigtay koxda Liverpool

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×