Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Dhulgariir horleh oo markale ku dhuftay dalka Turkiga

 

Samatabixiyeyaasha ayaa mar kale baadi goobaya dadka ku hoos jira dhismooyinka burburay ee Turkiga, kaddib markii dhulgariir hor leh u uku dhuftay dalkaas, waxaana ku dhintay ugu yaraan saddex qof.

Gariir cabbirkiisu yahay 6.4 iyo 5.8 Ayaa ku dhuftay koofur-bari meel u dhow xadka Suuriya, halkaasoo lixdii bishan ay ku dhufteen labo dhulgariir oo labadaba dalba saameeyay.

Dhulgariirradii hore ayaa 44,000 oo qof ku dilay Turkiga iyo Suuriya iyadoo tobnaan kun oo kalena ay hoy la’aan noqdeen. Dhismooyinbka ay hore u jilciyeen dhulgariirrada ee labada dal ayaa dumay.

Hay’adda musiibada iyo arrimaha degdegga ah ee Turkiga ayaa sheegtay in dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.4 uu ku dhuftay dalkaas abbaaro 20:04 xilliga dalkaas (17:04 GMT), waxaana saddex daqiiqo kaddib xigay mid kale oo lagu qiyaasa 5.8.

Saddexda dhimasho ayaa ka dhacday Antakya, Defne, iyo Samandag, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha, Süleyman Soylu, isagoo dadka ugu baaqay inaysan gelin dhismooyinka khatarta ku jira. Soylu ayaa sheegay in 213 qof ay sidoo kale ku dhaawacmeen.

Musiibadan labaad ayaa timid maalin ka dib markii ay hayadda musiibooyinka ee Turkiga ku dhawaaqday in lasoo afjaray howlihii gurmadka ee ka socday dalkaas marka laga reebo labo gobol.

Shaqaalaha samatabixinta ayaa si aan kala joogsi lahayn u shaqeynayay labadii isbuuc ee lasoo dhaafay iyagoo burburka hoostiisa kasoo saaray dad saacado badan ku xannibnaa dhul gariirka ka dib.

Inta uusan iman dhul gariirka labaad waxaa raadinta dadka laga waday gobollada Kahramanmaras iyo Hatay, sida uu sheegay madaxa hayadda qaran ee musiibooyinka.



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Dhulgariir horleh oo markale ku dhuftay dalka Turkiga

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×