Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Maxaa ka Jira in Maraykanku hor istaagay qorshihii loogu wareejin lahaa Raascaseyr imaaraadka

 

Maxaa ka Jira in Maraykanku hor istaagay qorshihii loogu wareejin lahaa Raascaseyr imaaraadka

Warar ka Soo baxaya Kulan ay la yeesheen saacadihii la Soo dhaafay  Madax ka socota Taliska Mareykanka ee Afrika ee mas'uul ka ah xiriirka militari ee uu Maraykanku  la leeyahay dowladaha iyo ururada gobolka, Madaxwaynaha Dawlada goboleedka Puntland mudane Siciid C/Laahi Deni ayay si cad Ugu sheegeen in uusan ku deg-degin arinka Marin biyoodka Raascaseyr kana fiirsado rabitaankiisa ah in uu soo geliyo dawlada Imaaraadka Carabta.

Diyaarad gaar ah oo siday saraakiisha iyo Madaxda Africom  ayaa ku degtay meel u dhow xarunta PSF ee magaalada Boosaaso, halkaas oo ay sidoo kale dhinacyadu UGA wada Hadleen  tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee ay qaadeen si ay ula dagaalamaan argagixisada 

Wararka ayaa intaas Ku daraya in natiijada kasoo baxday kulankaas ay noqotay in ciidamada PSF ay si rasmi ah ay ugu bilaabatay wada shaqayntii Dowlada Maraykanka , kadib heshiis  howshiisu mudo dheer ka socotay Jabuti,oo qeexaya wada shaqayn cusub iyo tababaro cusub.




This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Maxaa ka Jira in Maraykanku hor istaagay qorshihii loogu wareejin lahaa Raascaseyr imaaraadka

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×