Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Maqaal : Dhiig Daadin Dowlad laguma Noqonayo!



Xaaladda ka jirta gobolka Sool waxay u muuqataa in ay faraha ka sii baxayso,  loona baahan yahay in dagaalka si dheqso ah lagu joojiyo iyo dhiigga macnodarada ku daadanaya.

Dadka dhimanaya shacab iyo askarba waxaa loo baahan yahay in la kala bedbaadiyo, sababta oo ah shacabka deegaanku waxay ka gadoodeen ma aha wax sahlan, suuragalna ma aha in xasiloonidda lagu soo celiyo qori caaradiis iyo caburin.

 Waxaa hadda dow ah  in dadka magaaladda Laascaano loo daayo in ay arimahooda maareeyaan, sida ay dalbanayaanna ciidanka Somalilad ay baxaan. Mowqifka maamulka Muse Biixi Iyo ka dadka deegaanka aad iyo aad buu u kala fog yahay, mana muuqato si xaaladdan lagu dajin karo, inta ciidamo aan gobolka Sool laga rabin ay halkaasi ku sugan yihiin.

Qoraalka ay soo saareen garaaaadadda waxaa ku cad mowqif ay odayaasha dhaqanka deegaaan  ay muddo dheer ay  ka tashanayeen oo ah in aysan qeyb ka aheyn Somaliland. Waxay si ikhtiyaar ah u sheegeen in ay qeyb ka yihiin dowladda Soomaaliyeed ee uu madaxda ka yahay Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamud oo ah dowladda kaliya ee caalamku u aqoonsan yahay in ay maamusho dalka Soomaaliyeed badda, bari iyo hawaba.

Beesha Caalamka waxay si cad u sheegtay in dagaalka la joojiyo. Ilaal iyo hadda ma muuqato in baaqaas uu ku dhacay dhagaha maaamulka Soomaaliland. Waxaaa sidoo kale arrintan kaa hadlay madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud oo sheegay in xal siyaasadeed loo baaahan  yahay iyo wadaahal, dagaalkana in si deg deg ah lagu joojiyo.

Madaxweyne Xassa Sh. Maxamud hadalkiisa iyo hadalka wasiirka arrimaha gudaha Fiqina uma muuqdaan in dhago laabta u duleela  ay ku dhaceen. Hadalkooda afka dowladnimadda waa amar aan la jabin karin.

Maamulka Muuse Biixi yuusan ku kadsoomin ama yuusan yareesanin fariimaha madaxda dalka ee Muqdisha jooga. Haddii ay taasi dhacdo, waxaa cadaaneysa in Somaliland aysan waxba ka aqoon nidaamka dowladnimadda. 

Dilka qaanuunka khilaafsan ee rayidka iyo in duqeyn ula kac ah lagu burburiyo isbitaaladda, biyaha iyo korontadda waa danbiyo dagaal oo heer caalami ah. Waxaa intaa dheer xadgudubyadda xuquuqda aadanana iyana waa arimo culus oo la iskula tiigsan doono qaanuunka mid maxali ah ama mid caalami ah. 

Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi waaye mas’uulka ugu sareeya ee goboladda Waqooyi, isna waajibkiisa wuu gutay, oo mar hore ayuu mowduucaan ka hadlay, lama  dhageysanin inta arrintu aysan fataha ka bixin.

32 sanno ee la soo dhaafay Somaliland waxay ku andicooneysay in la laayay oo guryahoodiina la burburiyay.  Waxii ka danbeeyay maamulkeedu wuxuu ka shaqeenayay horumarin maxali ah, haddase khadkaas way ka gudbeen ragga ugu tunka weyn Somalilad.

Waxaa cad in dowladnimadda fahamkeedu uu ku yar yahay Muse Biixi iyo dadka maamulka kula jira. Waxay u badan tahay in maamulka goboladda Somaliland lagu wareejoyo siyaasiyiin reer waqooyiga ah ee dowladnimadda fahamsan. Qabiil qabiil xoog ku heysan kara ma jiro, arrintuna waxay u badan tahay in ay wajigaas yeelato ee hala feejignaado.

Wasiirka Arimaha Gudaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa madax u ah madaxda dowlad gobaleedyadda oo ay Somaliland ku jirto, hadalkiisa macno weyn oo qaanuuni ah buu lahaa, haddii hadhow laga qoomameyn doono, waxa roon in hadda dhug loo yeesho cawaaqibka ka dhalan kara dilka mawaadin Soomaaliyeed iyo jabin awaamirta madaxda dalka.

Dowladdnimadda lama sheegto ee waa la bartaa, laguna dhaqmaa ee maha wax qori caaradii lagu raadiyo oo dad muwaadiniyiin ah lagu laayo. Ogowbay,  dhiig Daadin Dowlad Laguma noqon karo, haddii cidi ku noqoneyso Siyaad Barre ayaa xukunka ku joogi lahaa! Dhamaad.

Qore: Mohamed Mohamud Cadde.

Waa Aqoonyahan iyo lafegure arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya.


This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Maqaal : Dhiig Daadin Dowlad laguma Noqonayo!

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×