Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Amarro laga soo saaray Nabadgelyada iyo Horumarinta magaalada Bosaso

 


Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo ku sugan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa Shir-guddomiyey Shirka Amniga Gobolka Bari.

Shirka oo ay kasoo qayb-galeen Guddiga Amniga Gobolka Bari iyo xunbo ka tirsan Golaha Wasiirada, ayaa looga hadlay Adkeynta Nabadgelyada, Horumarinta Magaalada iyo garab istaaga mashaariicda horumarin iyo Nashqadeynta magaalada.

Kulanku markuu dhammaaday waxaa kasoo baxay qodobadan: –

  1. Adkaynta Nabadgalyada guud ahaan Gobolka bari gaar ahaan Magaalada Boosaaso.
  2. Ka hortaga falalka waxa loogu yeero Argagixisada iyo La dagaalanka Maandooriyaha.
  3. In dhammaan la baneeyo guryaha iyo dhulka banaan ee Maamulka
  4. In la sameeyo naqshadaynta magaalada Boosaaso (Master Plan) oo la baneeyo dhammaan jidadka xiran ee nashqadu tilmaamayso.
  5. In dhulka banaanka laga jaro dhulka danta guud ee 30% ka ah, ayada oo la tixraacayo Xeerka maareeynta dhulka magaalooyinka ee Puntland.
  6. In dhammaan guryaha Magaalada Boosaaso, Biilasha Biyaha iyo Korontada lagu daro $1 dollar oo lagu horumarinayo magaalada Boosaaso laga bilaabo 1 Bisha March 2023.
  7. In la sameeyo Guddiga horumarinta magaalada Boosaaso.
  8. In dhammaan baalayaasha korontada laga qaado meelaha aan munaasibka ku ahayn sida jidadka.
  9. In Bulshadu ka qeyb qaadato mashaariicda horumarineed ee ka socota magaalada Boosaaso, Iyadoo cidii ka hortimaadana Sharciga la horkeeni doono.




This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Amarro laga soo saaray Nabadgelyada iyo Horumarinta magaalada Bosaso

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×