Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

DEG-DEG: Puntland oo ‘DFS, SL iyo Jabuuti’ ku eedeeysay xiisada ka taagan GAROOWE

 


Xukuumadda Puntland ayaa ku eedeeysay Dawladda Federaalka Soomaaliya, maamulka Somaliland iyo Dawladda Jabuuti inay soo abaabuleen ciidamada diidan diiwaangelinta cod-bixiyayaaasha doorashooyinka qof iyo codka ah ee Puntland, oo xalay gudaha u soo galay Garoowe, xirtayna qeybo kamid ah waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda Puntland.

Wasiirka Cadaallada, arrimaha Diinta iyo Dastuurka Puntland, Maxamed Cabdiwahaab Axmed ayaa sheegay in aysan marnaba aqbali doonin inay jidgooyo u dhigtaan hannaanka Dilmuquraadiyadda Puntland, ayna difaaci doonto dawladda Puntland.

“Dowladnimada, sharciyadda, nabad-galyada iyo kala danbaynta Puntland waa labataabtaan, waana la difaacayaa.”

“Isdiiwaangalinta Doorashada Qof Iyo qof cod iyo rabitaanka shacabku waa xuquuq dastuuri ah, lagana yeeli maayo in ay afduubaan, 4 wiil oo ah dullaaliin dadka kale u shaqaynayo, oo laga soo diray Djibouti, Hargaysa iyo Mugadishu. ayuu yiri Wasiir Maxamed Cabdiwahaab oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Ciidamo kasoo jeeda goofka Garoowe diidana diiwaangelinta cod-bixiyayaaasha doorashooyinka Qof Iyo Codka ah ayaa soo galay gudaha Garoowe, waxaana tan iyo saaka ka soconaya magaalada dhawaqa rasaasta oo cabsi ku abuurtay bulshada magaalada.



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

DEG-DEG: Puntland oo ‘DFS, SL iyo Jabuuti’ ku eedeeysay xiisada ka taagan GAROOWE

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×