Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Saxiixyada La Dhamaystiro Karo Saacadaha Ka Dhiman Suuqa January

 


Waxa ay saacado yar inaga xigtaa in uu Suuqa January si Rasmi ah u xidhmo iyada oo la galayo dhamaadka bisha.

Kooxaha kala duwan ayaa muddo bil ah suuqa ugu jiray sidii ay u xoojin lahaayeen kooxdooda una samayn lahaayeen saxiixyada ay u arkaan in ay caawin karaan kooxda.

Haatan suuqa waxa ka dhiman 48 saac waxana la xidhi doonaa ilaa inta laga gaadhayo suuqa kala iibsiga xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa saxiixyada la filayo in ay dhacaan 48 saac ee soo socda ka hor inta uuna xidhmin suuqa January.

Enzo Fernandez -> Chelsea:

Kooxda chelsea ayaa u muuqata kuwo dib ugu laabtay baacsiga Xiddiga Khadka Dhexe ee Enzo Fernandez iyaga oo ka go’antahay in ay helaan saxiixa xiddiga.

Chelsea ayaa saacadihii la soo dhaafay wadahadalo kula jirta kooxda Benfica waxana ay doonayaan in ay helaan waddo ay ku heli karan saxiixa xiddiga

Moises Caicedo -> Arsenal:

Kooxda Arsenal ayaa ilaa haatan laga diiday laba dalab oo ay ku doonayso saxiixa xiddiga Khadka Dhexe ee Moises Caicedo iyada Gunners doonayso in ay xoojiso khadka dhexe.

Inkasta oo ay Brighton wali ku adkaysanayso in uuna xiddiga 21 jirka ah iib ahayn suuqa January hadana Arsenal ayaa haysata 48 saac si ay mar kale isugu daydo saxiixa xiddiga.

Youri Tielemans -> Man United:

Kooxda Man United ayaa saacadaha soo socda dib u gali karta suuqa January iyada oo doonaysa in ay xoojiso khadka dhexe ee kooxda

Dhaawaca soo gaadhay xiddiga Christian Eriksen ayaa United ku qasbaya in ay suuqa u gasho xiddig khadka dhexe ah.

Xiddiga kooxda leicester City ee Youri Tielemans oo ku jira bilihii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa kooxda isla markaas diidan in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Saxiixyada La Dhamaystiro Karo Saacadaha Ka Dhiman Suuqa January

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×