Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Iskaashatada Kalluumaysatada Degmada Caluula oo Doortay gudoomiye iyo ku xigayn Cusub (Sawiro)

 


Caluula: Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo khayraadka Bada Dawlada Puntland Dr. Rashid M. Yusuf oo uu waheliyo Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha Wasaaradda Eng Abdi Shafi ayaa ka qaybgalay dhismaha iskaashatada kalluumaysatada Degmada Caluula ee Gobolka Gardafuu .

Kulanka waxaa goob joog ahaa Gudoomiyaha Degmada Caluula Cabdullahi Ciise Saalax Maamulaha Wasaaradda Kaluumaysiga Degmada Caluula Bashiir Fangase Isduwaha Wasaaradda  Gar-gaarka iyo Masiibooyinka Sagaale Siciid Yusuf Xoghayaha Degmada Axmed Deeq Maxamuud  Nabadoono, Waxgarad, 51ergo oo isugu jira Rag iyo Dumar Kaluumaysato ah iyo Marti Sharaf Kale.

Ugu Horayn Waxaa goobta khudbadahooda Jeediyay Musharaxiin afar ah oo utartamayay Gudoomiyaha iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Waxana isla Goobta ku Tanaasulay Laba Kamid ah Musharaxiinta oo Ukala tartamayay Gudoomiye iyo Gudoomiye ku xigeen waxana isu soo haray Masucuud Siciid Xayraan oo u tartamayay Gudoomiye iyo Cabdi Cumar oo isagana Gudoomiye Ku Xigeen Utartamayay.

Waxaa Lagalay Codaynta Waxana ay ku Guulaysteen Cod Aqlabiyad dhamaan 51 ergo ee Goobta Fadhiday  iyadoona ay sidaas ku noqdeen Masuuliyinta Hogaamin Doona Iskaashatada Kaluumaysatada Degmada Caluula.

Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga Dr Rashid M Yusuf ayaa Uhambalyeeyay Hogaanka cusub ee Iskaashatada Degmada Caluula isagoona sheegay in ay udhacday si xor iyo xalaal ah waxa uu umahad celiyay Maamulka Degmada Caluula Nabadoonada Gudoomiyaha Maxkamada Caluula iyo Shaqaalaha Wasaaradda Kaluumaysiga oo uu sheegay in ay Door Wayn Ka Qaateen Dhismaha Iskaashatada Degmada Caluula.

Sidoo kale Wasiirka ayaa Kula Dardaarmay Hogaanka Cusub ee Loo Doortay Iskaashatada Kaluumaysiga Degmada Caluula  inay si Daacad ah ugu Adeegaan Kaluumaystada ay Matalaan wuxuuna  sheegay in wasaaradda kaluumaysigu garab taagan tahay iskaashatada kana taageeri doonaan qalabka kaluumasyiga iyo waxkasta oo xirdfada Kaluumasyatada Kor Loogu qaadi karo Madaaba Wasaaradda Kaluumasyigu Utaagan tahay Hurumarinta Kaluumaysatada Puntland.

Sidoo kale Eng Abdi Shafi Oo ah Madaxa Shaqada iyo Shaqaalaha Wasaaradda Kaluumaysiga ayaa uhambalyeeyay Gudoonka la doortay waxana uu sheegay in wasaaradda kaluumaysiga ka go'antahay dhisida iskaashatooyinka kaluumaysatada Puntland qaybna ka tahay iskaashatada maantay lagu dhisay Degmada Caluula dhawaana la dhisi doono dalada ay ku midaysan yihiin iskaashatooyinka Puntland.

Ugu Danbayn Gudoomiyaha Degmada Caluula Isduwaha Wasaaradda Gargaarka Maamulaha Wasaaradda Kaluumaysiga Nabadoono iyo Waxgarad kale oo hadalka ukala danbeeyay ayaa dhankooda Uhambalyeeyay hogaanka cusub ee ay iskaashatada kaluumaystada degmada caluula  yeelatay iyagoona balan qaaday inay la shaqayn doonaan iskaashatada eebena uwaydiinayaan inuu ufududeeyo masuuliyada ay qaadeen.










This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Iskaashatada Kalluumaysatada Degmada Caluula oo Doortay gudoomiye iyo ku xigayn Cusub (Sawiro)

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×