Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyey goorta dib loo soo celinayo ciidanka Eritrea tababarka u joogay

Minneapolis — 

Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ciidmada Soomaaliya ee ku sugan dalka Eritrea la billaabi doono inay dalka kusoo laabtaan bishan December gudaheeda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in keenista ciidankaas la dhammaystiri doono bisha Janaayo 2023-ka.

Hadalka Madaxwyenaha waxaa baahiyey warbaahinta dawladda Fedraalka Soomaaliya, waxaana uu ka hadlayey kulan uu dhowaan la yeeshay jaaliyadda Soomaalida ee magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka

Dhallinyarada jirta Eritrea waa ay soo laaban doonaan dhowaan,” ayuu yiri madaxweynaha oo hadlayey toddobaadkii tegay, balse muuqaalka hadalkiisa la baahiyey maaanta.

“Waxay imaatinka billaabi doonaan kahor dhammaadka bisha December, waxaana lasoo geba-gebeyn doonaa Janaayo. Waa diyaar xilligan ma fileyno dib u dhac.”

Ciidankan ayaa madaxdweynihii hore ee Dawlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahai Farmaajo uu sheegay inay dhan yihiin 5 kun oo askri.

Xigasho: VOA Somali



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyey goorta dib loo soo celinayo ciidanka Eritrea tababarka u joogay

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×