Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Xulka Morocco Oo Sii Wada Mujisadoodii, Markii Ugu Horaysay Taariikhdooda Iska Xaadiriyay Semi-final-ka Koobka Adduunka Portugal Ayay Garaaceen.

 


Xulka Morocco ayaa sii wada mujisadii koobka adduunka iyaga oo garaacay xulka Portugal isla markaas iska xaadiriyay Semi-final-ka koobka adduunka.

Morocco ayaa markii ugu horaysay taariikhdooda iska xaadiriyay Semi-final-ka koobka adduunka iyaga oo haatan sameeyay taariikh cajiib ah.

Kulanka ayaa ahaa mid uu xulka Morocco si dar-dar leh ku bilowday isla markaas ciyaarayay weeraro rogaal celis ah xilli Portugal maamulayay ciyaarta.

Xulka Morocco ayaa samaynayay fursadaha halista ah xill xulka Portugal si weyn ugu dhibaatooday goolka hortiisa xilli Morocco si cajiib ah u difaacaay.

Xulka Moroco ayaa daqiiqadii 42-aad dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Youssef En-Nesyri kaas oo hogaanka u dhiibay xulkiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo uu xulka Morocco hogaaminayo ciyaarta xilli xulka Portugal kaliya ku fiicnaa maamulista ciyaarta.

Qaybta dambe ayuu tababaraha Portugal saxay khaladkiisii waxana uu soo galayay xiddigaha Ronaldo iyo Cancelo kuwaas oo uu kaydka ku bilaabay ciyaarta.

Xulka Portugal ayaa dar-dar galiyay ciyaarta iyaga oo samaynayay fursado waali ah oo ay ku doonayeen in ay gool ka dhaliyaan xulka Morocco.

Ronaldo iyo saaxiibadiis ayaa wax walba u sameeyay sidii ay u dhalin lahayeen goolka bar- baraha laakiin xulka Morocco ayaa difaac adag iyaga oo nafta u huray sidi ay u difaacan lahaayeen.

Daqiiqadii 90+2-aad ayaa xiddiga xulka Morocco ee Walid Cheddira loo taagay kaadhka cas kadib markii uu laba kaadh oo digniin ah qaatay.

Xulka Morocco ayaa heshay fursad ay ku dili karto ciyaarta daqiiqadii 90+5-aad laakiin xiddigii helay fursada ayaa si lama filaan ah u khasaariyay fursada.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Morocco sameeyay taariikh isla markaas markii ugu horaysay taariikhdooda iska xaadiriyay Semi-final-ka koobka adduunka.



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Xulka Morocco Oo Sii Wada Mujisadoodii, Markii Ugu Horaysay Taariikhdooda Iska Xaadiriyay Semi-final-ka Koobka Adduunka Portugal Ayay Garaaceen.

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×