Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo u diray xulka Kubada cagta Morocco



Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ayaa hambalyo u diray xulka kubada cagta Marooko oo caawa afka ciida u daray Xulka Portugal, taasoo sababtay iney u soo gudbaan semi finalka koobka Aduunka

Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in guusha ay gaareen xulka Marooko ay tahay mid taariikhi ah oo u soo hoyatay Afrika.

“Runtii waxaad naga dhigteen kuwo ku faano Morocco. Guushaan waa ka badan tahay in la tago Semi final. Tani waxay marag madoon u tahay in Afrika ay kor u kaceyso & in aan nahay xoog lagu xisaabtamo. Hambalyo Marocco” ayuu yiri Farmaajo.

Morocco ayaa noqotay waddankii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee gaara semi-finalka Koobka Adduunka ka dib markii  ay 1-0 ku garaacday Portugal.

Youssef En-Nesyri ayaa daqiiqadii 42-aad dhaliyay goolkii guusha, kaasoo Morocco ku abuuray han weyn oo ay ku faanayaan wadamada Carabta intii lagu jiray koobkii adduunka ee ugu horeeyay ee lagu soo bandhigo bariga dhexe.





This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo u diray xulka Kubada cagta Morocco

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×