Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

9-Rikoor Oo Lagu Jibin Karo Koobka Aduunka , Ronaldo Mid Ayuu Magaciisa Ku Qoranayaa

 


Maalmo yar ayaa ka harsan Koobka Aduunka , waxaana warbxinaan ku soo koobeynaa 10 rikoor oo ay macquul tahay in lagu jibiyo koobka aduunka ee sanadkaan 2022-da markii ugu horeeysay ka dhacaya dal carbeed waa Qatar


1-Ronaldo taariikh weyn ayuu la balansan yahay koobkaan aduunka : CR7 ayaa u diyaar garoobaya in markii 5-aad uu ka qeyb galo koobka aduunka waliba isaga oo isha ku haya in rikooro horay loo dhigay uu bar bareeyo , haddii uu gool dhaliyo tartankaan waxa uu noqonayaa laacibkii ugu horeeyay ee gool ka dhaliya 5 koob aduun kala duwan .

2-Goolhayaha taariikihiga ee koobka aduunka : rikoorka Miroslav Klose waxa uu halis ugu jiraa in la jibiyo sanadkaan , waxa uu qaranka Jarmalka u dhaliyay 16 gool  balse Muller oo isna leh 10 gool kana qeyb galaya koobkaan , hadii uu dhaliyana 6 gool waxa uu sidaas ku jibinayaa rikoorkii Miroslav Klose


3-France Iyo Finalka : kaliya laba qaran ayay abid u suura gashay in laba jeer isku xigta ku guuleystaan koobka aduunka ,waana Brazil iyo Italy , toloow France maka mira dhalin karaan in ay guushaas gaaraan?

4-Marti Giliyaasha oo ku hara wareega Group-yada : kaliya qaranka Koonfurka Africa ayaa ah marti giliyihii koobkaas ee wareegga Group-tada ku haray sanadkii 2010-kii , toloow Qatar in  ay mucjso dhigto  ma u gudbi doontaaa wareegga 16-ka mise tareenkii South Afrika ayay raaceysaa?

5-Ciyaartii ugu rabshadaha badneyd : kulankii Holland iyo Portugal ee koobkii aduunka 2006-da ayaa ah midkii ugu rabshada badnaa , waxaa lagu qaatay 16 kaarka digniinta ah iyo 4 kaar cas ,xilli sanadkaan VAR la adeegsanayo malaga yaabaa in rikoorkaas la jibiyo ?

6*Kulanka ugu goolasha badan: qaranka Hungary ayaa lagu tirayaa midka ugu gool dhalinta badan  koobka aduunka , waxa ay dhaliyaan 27 gool sanadkii 1954-tii, ma jiro doonaa qaran arintaas jibin doona sanadkaan?

7*Didier Deschamps Rikoor barbareyn kara: halka tababare ee laba jeer koobka aduunka ku guuleystay waa Vittorio Pozzo  kaasi oo qarankiisa Italy hogaamiyay sanadkii 1934/1938-dii .

8*Goolkii ugu deg deg badnaa : goolkii ugu dhaqsaha badnaa ee koobka aduunka waxa uu u diiwaan gishan yahay laacibkii hore qaranka Turkiga ee Hakan Şükür kaasi oo koobkii aduunka ee 2002-da 11 il biriqsi gool kaga dhaliyay qaranka Koonfurta Kuuriya .

9-Goolasha ugu badan ee hal kulan uu laacib dhaliyo : waxa uu rikoorkaas u diiwaan gishan yahay laacibkii hore Russia ee Oleg Salenko kaasi oo 5 gool ka dhaliyay qaranka Cameroon sanadkii 1994-tii 



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

9-Rikoor Oo Lagu Jibin Karo Koobka Aduunka , Ronaldo Mid Ayuu Magaciisa Ku Qoranayaa

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×