Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

guddiga Culumada ee gurmadkii Wadooyinka Gobolka Gardafuu oo Soo bandhigay wixii lacag ah oo ay soo aruuriyeen

  


waxaa maanta oo taariikhda tahay 2 dii bisha November 2022 ka  qabsoosamay  xarunta hay'adda Waddooyinka Puntland ee PHA kulan ay ka soo qaybgaleen guddigii Culumada gurmadkii wadooyinka  gobolka gardafuu, wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka Cimiladda Puntland Axmed Yuusuf Maxamed, Wasiiru dowlaha wasaarada Biyaha iyo Tamarta Dr. Bare Faatax maxamuud, xildhibaan Abuu Baraa oo ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland , suldaan Cabuud Balbalaare iyo masuuliyiin kale. 

Ujeedka kulankan ayaa ahaa in guddiga Culumadda Gurmadkii Wadooyinka Gobolka gardafuu  ay ku soo bandhigaan wixii lacag ah oo ay soo aruuriyeen, iyo lacagta hada taal. 


Guddigii culimada ee gurmadkii Wadooyinka Gobolka Gardafuu oo ay kamid ahayeen  Shiikh Fu,ad iyo Shiikh Maxamud Xaaji yusuf ayaa Soo bandhigay  Xisaabtii lacagtii loo uruuriyey Gardafuu, ayagoo Soo bandhigay sida ay koontooyinka ugu kala jirto lacagtaasi 

guddi ay magacowday dowladda Puntland 2019 ayaa hayay lacagahaas oo ay dad Soomaaliyeed ugu yabooheen waddada Lafogorayo ee gobolka Gardafuu iyadoo Dawlada Puntland ay ku eedeesay todobaadkii hore in culimadu ay diideen in ay lacagtaas ku wareejiyaan dowladda.

Dhawaan Hay’adda Waddooyinka Puntlnad ee PHA ayaa  shaacisay heshiis ku kacaya lacag gaaraysa $680,000 oo ay la saxiixatay shirkad fulinaysa dhismaha wadada Lafogorayo iyadoo ay sheegtay hay'adda Waddooyinka Puntland in Durba la dhameeyay 21% dhismaha Wadada lafagorayo oo ah waddo u baahan shaqo adag si aysan dib Ugu burburin oo u xirmin 

Halkan Hoose ka daaco xogtay Soo gudbiyeen culimadu iyo sawirada kulanka


















.



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

guddiga Culumada ee gurmadkii Wadooyinka Gobolka Gardafuu oo Soo bandhigay wixii lacag ah oo ay soo aruuriyeen

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×