Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

DAAWO: Meydad Laga soo Saaray Xalay Burburka Qaraxyadii Muqdisho, Iyo Dad Weli la Lala’yahay

 


Howgal samatabixin ah ayaa caawa ka socda aagii maanta ay ka dhaceen qaraxyada ee nawaaxiga isgoyska Zoope ee magaalada Muqdisho kaasoo ay wadaan ciidamada DF iyo kooxaha gurmadka.

Gaadiidka baldoosarada iyo kooxaha gurmadka ayaa burburka dhismeyaal halkaas ku yaalla ka soo saaray tiro meydad ah oo ku hoos ku jiray, waxaana weli socda gurmadka.

Dhinaca kale, waxaa goobtaas ku sugan Qoysaska dad aan Nolol iyo Geeri lagu heynin, kuwaasoo meydadka laga soo saarayo iyo burburka hoostiisa ka baadi goobaya dadka maqan.

Goobaha sida weyn ugu burburay qaraxyadaas ee dumay waxaa ka mid ah maqaayada Fatxi iyo dhismeyaal kale oo la tuhunsan yahay in meydadka dad badan ku hoos jiraan.

Ciidamada amaanka DF ayaa dadka socda iyo gaadiidkaba ka xiray goobtaas, iyagoo kontrolo ilaalo ah dhigay dhamaan wadooyinka soo gala inta socoto howsha lagu baadi goobayo dadka maqan.. maqan..



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

DAAWO: Meydad Laga soo Saaray Xalay Burburka Qaraxyadii Muqdisho, Iyo Dad Weli la Lala’yahay

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×