Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

XOG: Madaxweyne Xasan oo shir deg-deg ah ugu yeeray madaxda dawlad goboleedyada



Madaxweynaha Dawlada federaalka Soomaaliya iyo Kuwa Dowlad Goboleedyada ayaa todobaadkan shir deg-deg ah isugu imaanayo Muqdisho, kaas oo looga hadlayo xaaladaha haatan soo kordhay, 

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa warbaahinta udaqiijiyey in shirkan uu iclaamiyey madaxweyne Xasan, isla-markaana 27 bishaan uu ka qabsoomayo Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa casuumad u fidiyey shanta hoggaamiye goboleed sida Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle oo lagu wado inay soo gaaraan Muqdisho.

Lama shaacin muddada uu qaadan doono shirkan oo ah mid xasaasi ah, isla-markaana ku soo aaday, xilli haatan dalka uu ku jiro dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Wararka aaan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in shirka madaxda dowladda dhexe Iyo Kuwa Dowlad goboleedyada dalka lagu soo qaadi doono arrimo ay ka mid yihiin wada shaqeynta labada dhinac iyo sidoo kale xoojinta howlgallada ka billowday gobollada dalka.

Xogta ayaa intaasi ku sii dareysa in madaxdu ay falanqeyn doonaan arrimaha shidaalka ee ay haatan faraha la gashay dowladda Xasan Sheekh oo dhameystirtay heshiiska shidaalka.

Sidoo kale waxaa shirkan lagu soo qaaadi doonaan gurmadka abaaraha, maadaama ay kasii darayaan xaaladaha bani’aadanimo ee haatan ka jira koonfurta iyo bartamaha dalka..



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

XOG: Madaxweyne Xasan oo shir deg-deg ah ugu yeeray madaxda dawlad goboleedyada

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×