Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Wasiirka Caafimaadka Puntland oo kormeeray xarunta caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka degmadda Qandala

 


Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan ayaa kormeeray xarunta caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka ee degmadda Qandala (MCH) iyo Cisbitaalka degmada oo aan wali shaqo bilaabin laakin diyaarsan.

Wasiirka waxaa kormeerka ku wehelinaayey Agaasimaha Caafimaadka adeega Asaasiga ah Cabdirisaaq Abshir Xirsi,agaasimaha qorshaynta Dr-Mohamed Mohamuud Xidig,Maamulka degmadda iyo maamulka caafimaadka degmada.

Wasiir Dr. Jaamac Faarax Xasan Ayaa warbixin ka dhagaystay maamulka iyo shaqaalaha xarunta waxaana uu mid mid usoo arkay qaybaha uu ka koobanyahay.

Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan ayaa sheegay in xarunta uu booqday ay ka socoto shaqo wanaagsan, waxaana uu kula dardaarmay maamulka iyo shaqaalaha xaruntaasi  inay sii laba jibaaraan shaqada ay bulshada u hayaan wasaraaduna ay ogsoontahay sida wanaagsan ee ay bulshadooda ugu adeegayaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale bogaadiyay Addeega wanaagsan ee ka socda waxaana uu xusay in wasaaraddu isha ku hayn doonto sidii looga sii horumari lahaa halka maanta wax marayaan.

Wasiirka ayaa kormeerka xarunta kadib kulan kula qaatay xarunta degmada Maamulka degmadda iyo odayaasha degmada,waxaana uu ka dhagaystay baahiyaha degmada ka jira si guud iyo gaar ahaan caafimaadka, odayaasha ayaa uga mahadceliyay wasiirka booqashadiisa degmada iyo sida uu udoonaysid inaad bulshada aad masuulka utahay usoo aragtid baahiyahooda.

Wasiir Jamac Farax ayaa dhankiisa hadalka qaatay ayaa yiri:-

“Farxad ayay ii tahay inaan idiin imaado oo aan degmadda Qandala soo booqdo si aan usoo arko bulshada soona kormeero xarumaha caafimaad ee ku yaala, sidoo kale bulshada aan la soo kulmo soona ogaado baahiyaha ugu waaweyn ee ka jira.”

“Qorshaha ugu weyn ee aan dhulka umarayno aniga iyo waftiga aan hogaaminayo ee wasaaradda ka socda waa inaan  ogaado degma kasta waxa ugu muhiimsan dhanka caafimaadka, waxaan hada soo arkay horumar wanaagsan oo dhanka caafimaadka ah oo degmada ka jira, waxaana maamulka degmadu noo soo gudbiyeen waxa ka dhiman sida ugu dhawna aan uga soo jawaabi doono.”

“Waxaan sidoo kale soo arkay cisbitaalka degmadda Saado Cali oo diyaarsan balse aan wali hawlgalin waana loo bahanyahay in la hawlgaliyo baahiyaha wali jirana la daboolo lkn mid ogaada baahiyaha caafimaadka ma dhamaadaan maalinba meel ayay joogtaa, waxaan rajaynayaa in waqti aan fogayn la gaari doono degmada qandala Cisbitaalkeeda oo shaqaynaya inkastoo sida muuqata aad iskugu dhawyihiin xarunta Caafimaadka Hooyada Iyo dhalaanka iyo cisbitaalka.”

“Wasiirka ayaa ugu danbeyn bulshada degmada iyo maamulka la wadaagay qorshaha dawlaha ee ah in dhawaan guud ahaan degmooyinka Puntland laga qaban doono doorashada golayaasha degmooyinka Puntland oo shacabka awooda lagu soo celinayo hadhowna maamulkooda uu noqon doona mid aad la xisaabtantaan iyaguna dawlada dhexe la

wadaaga idinkuna qareemo, waxaan soo jeedinaayaa inaad la shaqaynsaan kooxaha ka socda guddiga doorashooyinka ee degmooyinka maraya.”











This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Wasiirka Caafimaadka Puntland oo kormeeray xarunta caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka degmadda Qandala

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×