Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Ciyaal-weero Muqdisho ku dishay Wiil dhalinyaro ah

 


Wararka naga soo gaarayo xaafadda Suuq liif ee degmada dharkiinleey, Ayaa sheegaya in kooxa hubaysan oo Ciyaal weerro ah ay xaafadda ku dileen wiil dhalinyaro ah.

Wiilka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Ciise Sheekh Ibraahim, Waxaana uu kamid ahaa dhalinyarada xaafadda degan, waxaana dilkiisa loo adeegsaday Tooreey (Mindi).

Dilka Wiilka Ayaa yimid xilli uu marayay wadada inta u dhaxeysa Dabaqeenka iyo Suuq liif, waxaana goobta isaga baxsaday kooxihii dilka ka dambeyay.

Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta uu falka ka dhacay, waxaana ay ciidamada bilaabeen baaritaanno ku aaddan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa ciyaal weeradii ka dambeysay dilka marxuumka.

Maydka wiilka ayaa la geeyay laanta dambi baarista ee CID, waxaana waalidiinta wiilka la dilay ay dalbadeen in ay cadaalad u helaan wiilkooda.

Sikastaba xaafadaha qaar ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa muddooyinkii la soo dhaafay falal dilal ah iyo dhaawac ka geysanayay kooxa ciyaal weero ah, kuwaas oo dadka sidoo kale dhac u gaysta.



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Ciyaal-weero Muqdisho ku dishay Wiil dhalinyaro ah

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×