Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Wasiirka Caafimaadka Puntland oo Xariga ka jaray Qayb cusub oo lagu Soo kordhiyay Cisbitaalka Caluula

 


Caluula: (BAARGAAL MEDIA) :- Wasiirka wasaraadda caafimaadka Dawlad goboleedka Puntland Dr Jamac Farax Xassan ayaa maanta safar shaqo ku soo gaaray degmada Caluula ee xarunta  Gobolka Gardafuu , masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka kan degmada, kan caafimaadka  iyo bulshada degmada ayaa soo dhawayn diiran ugu sameeyay xeebta Caluula .

ugu horayn Wasiirka ayaa kormeeray cisbitaalka degmada iyo xafiiska maamulka caafimaadka gobolka waxaana uu xariga ka jaray qaybta cusub ee nafaqada caruurta.

Wasiirka ayaa waxaa xaflad kooban oo uu lagu qabtay hoolka maamulka gobolka kulan kula qaatay odayaasha magaalada, haweenka dhalinyarada iyo guddiga caafimaadka degmadda.

Dr Jibriil isuduwaha wasaaradda caafimaadka gobolka Gardafuu ayaa ugu horayn soo dhaweeyay waftiga wasiirka waxaana uu yiri:-

“ Mudane wasiir waxaan adiga iyo waftigaaga idinka mahadcelinaynaa kormeerka aad noogu timaadeen gobolka si aad usoo aragto xaalada caafimaadka gobolka iyo horumarada laga sameeyay, waxaan kaga mahadcelinaya waqtiga aad galisay in wax laga qabto lana hormariyo adeega caafimaadka gobolka.”

Siciid Mohamed Cali ayaa wasiirka iyo wasaradda ku amaanay shaqada wanaagsan ay ka qabteen gobolka dhanka adeegga caafimaadka iyo sida horumarka loo gaarsiiyay gaar ahaan qaybta qaliinka hooyada ee xaalad adag loo mari jiray hadase cisbitaalka lagu qalo.

Dr Jamac Farax Xassan wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland oo gabagadii ka hadlay madasha ayaa yiri:-

“ Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta so gaaro gobolka Gardafu magaalo madaxdiisa Caluula si aan usoo arko adeegyada caafimaad ee gobolka iyo horumarka laga sameeyay xarigana ka jaro qaybaha cusub ee lagu soo kordhiyay.”

“ Markaan xafiiska imaaday waxaan gobolka umagacaabay Team ka shaqeeya si dadka gobolka jooga uga shaqeeyaan ulana socdaan una hormariyaan baahiyaha caafimaad ee jira, waxaan ku bogaadinayaa shaqada wanaagsan ee laga qabtay dhanka gaarsiinta adeegyada caafimaadka gobolka, waxaan marag ma doonto ah in aan joogin halka qorshuhu ahaa inaan gaarno balse meel aan ku faani karno ayaan joognaa waxaana la inaga rabaa inaan horay ugu sii wadno Insha allah.”
















This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Wasiirka Caafimaadka Puntland oo Xariga ka jaray Qayb cusub oo lagu Soo kordhiyay Cisbitaalka Caluula

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×