Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Guddiga doorashooyinka Puntland oo laga dhacay gaadiid & qalab

 


Sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo laga helayo laamaha Amniga ee Puntland, Guddi loo xilsaaray in ay xog aruurin iyo qiimeyn kusameeyaan goobaha lageynayo Seejooyinka codbixinta iyo qalabkoodii oo loo diray Mudug, Bari Iyo Nugaal ayaa kooxo hubeysan jidgooyo u dhigteen oo ay kaqaaten baabuurtii iyo qalabkii.

Deegaanka Karin-Dhiig gobalka Nugaal, ayaa baabuur ay kooxdaas saarnayd lagu qabsaday, waxaana la xaqiijinayaa in cod ama muuqaalo ay ka duubteen maleeshiyaadka qabsaday.

Dhammaan gaadiidkii u baxay Nugaal, Mudug, Karkaar iyo Barri ayaa fashilmay, kuna soo laabtay Xarunta TPEC, balse Sool iyo Sanaag ayay u leexdeen kooxihii loo diray, inkasta oo aysan gaarin.

Macluumaadka ayaa cadeynaya in kooxahan is hor istaaga kasameeyey Mudug, Bari iyo Nugaal ay labaxeen Kooxda Badbaadada Puntland.




This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Guddiga doorashooyinka Puntland oo laga dhacay gaadiid & qalab

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×