Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Qaraxyo gilgilay magaalada Kyiv, kadib weerarkii ka dhacay buundada isku xirta Ruushka & Crimea

 


Qaraxyo ayaa gilgilay caasimadda Ukraine ee Kyiv ka dib markii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu Ukraine ku eedeeyay weerar argagixiso oo ka dhacay buundada Isku Xirta Ruushka iyo Crimea, taasoo dhalisay baaqyo aargoosi ah oo ka yimid madaxda ugu sareysa ee Moscow.

Qiiq ayaa ka kacay bartamaha Kyiv kadib markii magaalada ay gilgileen dhowr qarax oo waaweyn, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Ilaa hadda lama oga waxa sababay qaraxyadan, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay khasaaraha ka dhashay.

Idaacada guud ee Ukraine Suspilne oo soo xiganeysa hay’adaha gargaarka degdega ah ayaa sheegtay in ay jiraan dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay weeradan ka dhacay Kyiv balse ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha.



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Qaraxyo gilgilay magaalada Kyiv, kadib weerarkii ka dhacay buundada isku xirta Ruushka & Crimea

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×