Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

MILXO: Meydka wiilkii godka ‘Dahab-ku’ ku dumay oo lasoo saaray

 

Allaha u naxariistee meydka Maxamed Siciid Cali, oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo uu ku dumay God Laga Qodo Dahabka oo ku yaalla deegaanka Milxo ayaa goor-dhaweyd lasoo saaray.

Maxamed Siciid ayaa muddo ka badan 35 saacadood ku jiray godka oo ku dumay habeenkii khamiista, waxaana intaa socday dadaalo ay wadeen dadka deegaanka oo la doonayay in lagu soo badbaadiyo.

ilaa 600 qof ayaa ka qeybqaadanaysay howlaha soo saarida marxuum Maxamed Siciid Cali, kuwaas oo adeegsanayay gaadiid kooban oo ah nooca loo yaqaan wiishashka.

Puntland oo ka arrimisa deegaanka Milxo, ayna ka joogaan Ciidammo katirsan kuwa difaaca agagaarkeeda ayaan wax gurmad ah oo muuqda ka geysan samata-bixinta wiilka godku ku dumay ee meydkiisa la helay ugu dambeyn.

Deegaanka Milxo oo katirsan degmada Laasqoray ee gobalka Sanaag ayaa muddo ku dhow 7 sano aheyd meel laga qodo dahabka, waxaana laga sameeyay godod waa weyn oo laga baartay Dahab.




This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

MILXO: Meydka wiilkii godka ‘Dahab-ku’ ku dumay oo lasoo saaray

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×